HARGAYSA(Wajaalenews) Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran cade Ayaa Maanta Xilkii ka Qaaday Gudoomiyihii Magaalada Ganacsiyeedka Tog wajaale Ee Gobolka gabiley.
Sidoo kale wasiirka arimaha gudaha ayaa masuul cusub usoo magacaabay Degmada Tog wajaale
Warsaxafadeedkan kasoo baxay Wasaarada arimaha gudaha ayaa u dhignaa sidan
Wasiirka wasaarada arimaha gudaha markuu arkay baahida loo qabo in la dardargaliyo waxka badalna lagu sameeyo maayarka magaalada tog wajaale markuu tixgaliyay cabshada ganacsatada, waxgaradka iyo dadwaynaha degmada togwajaale wuxu xilkii gudoomiyaha ka qaaday Cabdi Saleebaan Koshin maayarkii hore ee magaalada wajaale
Sidoo kale Wuxu Wasiirka digrayto taa lamida ku magacaabay Aadan Cilmi Shiine in uu maanta gala bilaabo ahaado gudoomiyaha degmada togwajaale.
Gudoomiyahan cusub ee magaalad tog wajaale loo magacaabay ayaan ahyn masuul xilkan gudoomiyenimo ku cusub kaasi oo uu hore xilka gudoomiyaha ugala wareegay isla gudoomiyahan la badaley ee uu isna xilka ka tirsan doono maalmaha soo socda, mudo dhawr bilood ah horteeed