GABILEY(Wajaalenews) Maalintii Shalay ee ku beegnayd 3/5/2016 ayay Bulshada Danyarta ah ee Magaalada Gabiley ayaY Todabadii Subaxnimo ula dhaqaaqeen Kaadhadh Maalmo ka hor la siiyay Dayrka Wayn ee Shirkada Tilifoonada Telsom ku leedahay duleedka bari ee Magaalada Gabiley oo ahayd goobta loo cayimay in lagu qaybiyo raashinka mucaawinada ah .
Bulshada Danyarta ah ayaa u xaqiijisay Shabakada Wararka ee WajaleNews in ay kala kulmeen Gudida Abaaraha heer Qaran oo uu horkacayo Wasiirka Diinta Sheekh Khaliil wax ayna Ka filayn oo looma fadhi ku noqotay iyagoo sheegay in loo qaybiyay raashin qoysku ku noolaan karo Sideed iyo Afartan Saacadood oo kaliya .
Oday Xaamud Ismaaciil oo ka mida Danyarta ayay Shabakada Wararka WajaleNews waydiisay sida uu arko dhacdadan waxuu yidhi . Adeer waad aragtaa in dharkaygu qoyan yahay waxaana meesha ka dhacay danbi aan loo duqaadi karin Todobadii Subaxnimo safkaan galay ayaan ku gaadhay Sadexdii Galabnimo Roobna wuu nagu da”ay iyadoo nalagu maaweelinayay in kolba meesha uu marayo naloo sheego markii danbana waxaa la I siiyay Kiilooyada aad arkayso .
Goob joogayaal ku sugnaa goobta loo cayimay in raashinka mucaawinada ah lagu siiyo Bulshada Danyarta ah oo tiradooda lagu qiyaasay 2500 Qoys ayaa noo xaqiijiyay in Bulshada Danyarta ahi kala kulmeen habsan saacado badan qaatay oo raashinka mucaawinada ah ku yimid iyadoo Maamul xumo baahsani ka muuqatay hab Maamulka Gudida Abaaraha Heer Qaran oo Wasiirka Diintu horkacayo .
Sidoo kale mid ka mida Bulshada Danyarta ayaa noo xaqiijay in safkii ay galeen gudaha dayrka Shirkada Telsom Todobadii Subaxnimo raashinkii mucaawinada ahaa la keenay Sadexdii Galabnimo intaa ka dibna la boobay oo dad aan kaadhadh haysani ay raashinkii qaateen sidaana qayb ka mida danyartii iyagoo faro madhan ku soo noqdeen guryahoodii waa yaabka yaabkiiye waxay danyartu u qaadan waa ku waa noqotay raashinka mucaawinada loogu keenay oo ah mid qosku ku noolaan karo Laba caano maal.
Maamul xumadan baahsan ee ka muuqata habka qaybinta Raashinka Mucaawinada ah ayaa ah mid marag cad looga dhigi karo dhaliilaha dul hoganaya Gudida Abaaraha Heer Qaran gaar ahaan Masuulka Goobta ku sugnaa ee Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyadoo dhaliishan ay la wadaagaan Maamulka Gabolka iyo Maamulka Dagmada Gabiley Madax Dhaqmeedka iyo dhamaan Wax Garadka Bulshada Gobolka Gabiley ee goobta ku sugnaa .
WAJAALENEWS DESK
GABILEY OFFICE