WAJAALE NEWS

falanqaynta Qudbadii Madax-waynaha Ee Xuska , 18 May iyo Milicsiga Aqoonyahan Hamse Khayre

Waxay ka koobnayd saddex qaybood oo kala ahaa:

1)Kala Go’ii Somaliland iyo Somaliya (411 erey)

2)Maalgashiga Dekeda (663 erey)

3)Dalalka Deriska (265 erey)

Marka guud ahaan la is ku wada geeyo waxay ka koobnayd 1,804 erey (maca salaanta marka lagu daro). Muddo 17 daqiiqo ah ayuu ku qaatay akhrinta madaxwaynuhu

SALUUGA QUDBADA

………………………….

-Waxaan ka filayay in Somaliya ay hoos timaad qaybta wadamada deriska.

-In Sool iyo Sanaag aanay hoos iman qodobka wadamada deriska.

-In ay asal ahaato qudbaddu waxaadse moodaysay tuducyo qudbado iyo hadalo hore oo la isku daray. Tusaale ahaaan, hadal ina cigaal hore u yidhi 1993 shirkii Soomalida ee Addis oo ahaa ” Heesta calanka Somaliya halkii noo damqan jirtay way na bogsatay”(Boobe, Dhaxal-reeb). Waxaa kale oo sidiisii ugu jiray hadal wasiirka madaxtooyada, Maxamuud xaashi u yidhi oo ahayd “Soomaalinimadu waa sinji ka dhaxeeya umad ballaadhan oo aan dal iyo dawlad qudha wada lahayn”

-Doorashada 2017, wada-hadaladii Somaliya iyo Somaliland halkay marayaan, dardaarankii mwayne sii socda, iyagana maan maqal.

-Maalgelinta Dekeda iyo Soomaalida oo uu ku soo uriyay arinteenii ayaa qudbada 60% ay ahayd. Waa madaxwayne dal, maaha maamule dekeda berbera ah. Waxaan filay rubuc qarniga soo socda inuu inagala hadlo, kii tagayna si shilis wax uga yidhaa..

-Guud ahaan ma cadda fariinta ay xambaarsanayd qudbadiisu.

-Ereyga aqoonsi wax ka yar 2 goor buu ku jiray

-Ereyga dhalinyaro isna hal mar buu ku jiray.

DHINACYADA TOGAN EE QUDBADA

………………………….

-Inayno isku filnaano oo aan deq iyo dayn dalku ku horumari kari.

-In maalgalinta Berberi dawo u yahay shaqo la’aanta

-In aynu mashaakilaadkeena xalisano oo aynaan cidna sugin.

-In Tabashooyinka Barriga xal waara laga gaadho.

-In wadama deriska dantoodu ay tahay danteena oo wax badani inaga

Exit mobile version