WAJAALE NEWS

DAAWO;Waftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Gaadhay Dalka Ireland iyo Sidii Loo Soo Dhaweeyay.

Dublin-Ireland(Wajaalenews) Waftigii uu hoggaaminaayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa gaadhay dalka Ireland, waxaana garoonka Caalamiga ah ee Caasimadda Dublin ku soo dhaweeyay  Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha debadda ee Ireland, Xubno ka tirsan Safiirada Somaliland iyo La taliyaal. Sidoo kale waxaa Waftiga Madaxweynaha Si weyn u soo dhaweeyay Jaaliyada rer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ireland.

Waftiga uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Silaanyo, waxa xubno ka ah. Wasiirka arrimaha debadda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Madaxtooyadda, Marwada koobaad iyo Xoghayaha Madaxweynaha.

Waxaana la filaaya inay kulamo la yeeshaan Madaxda ugu saraysa dalka Ireland.

Geesta kale Waftiga Madaxweynaha Somaliland uu hoggaaminaayo Waxaa la filaaya inay kulan la qaataan Jaaliyada ku dhaqan dalka Ireland.

 

Muniir Axmed Cigaal

weriyaha Werftiga Madaxweynaha JSL

Dublin-Ireland

Exit mobile version