WAJAALE NEWS

FAALO: Dareenada Ku Xeeran Kulanka Qarsoodiga ah Ee G. Muuse Biixi iyo Prof Axmed I. Samatar!!!

HARGAYSA (Wajaale News): – Waraysi uu galabta siiyay HCTV ayuu murashaxa xisbiga talada hayaa ee kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo  ku sheegay kulan uu la yeeshay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo isaguna doraad dalka dib ugu soo noqday. Prof. Samatar oo ka waramay soo noqoshadiisa isagoo waxaanu yidhi “ Waxaan u imid dalka inaan xisbiyada siyaasada midkood ku biiroo si aan uga qayb qaato isbedelada dalka ka socda”.

Kulanka muuse biixi iyo Prof. Samatar dhexmaray ayaa waxa xaqiijiyay Muuse Biixi kadib markii warar suuqa soo galeen kuwaas oo sheegayay in booska siyaasadeed ee profosoorka loo soo balanqaaday yahay kan musharaxnimada madax wayne ku xigeenka ee Saylici ku fadhiyo. Saylici iyo samatar oo isku hayb, ayaanu hadana Saylici haba yaraatee waxba kala socon soo noqoshada Samatar, cida u yeedhay, waxa loogu yeedhay iyo kulanka musharaxa uu ku xigo iyo samatar dhexmaray. Wariyaha HCTV ayaa muuse biixi waydiiyay in bal wax ay ka jiraan wararka sheegaya in Saylici musharaxnimadiisa aanu Muuse Biixi ku qanacsayn oo uu ku bedelayo Prof. Samatar. Jawaabta uu ka bixiyay Muuse biixi ayaa ah ta shakiga wayn keentay, taas oo u dhignayd sidan “Waxaanu prof. Samatar ugu yeedhnay inuu na taageero. Ugumaanaan yeedhan inuu buuq naga dhex abuuro. Reer kulmiye oo dhan oo ku jiro saylici waxaanu geed dheer, geed gaaban iyo xeelad kasta u samayn doonaa sidii aan u soo jiidan lahayn Axmed Ismaaciil Samatar”. Dadka siyaasada ka faalooda ayaa ku sheegay jawaabta gudoomiyaha iyo musharaxa mid aan ka madhnayn suurtagalnimada inuu Saylici bedelayo waayo waxay ahayd in gudoomiyuhu si cad u sheego bay leeyihiin in Madaxwayne ku xigeenka oo musharaxa la taagan doorashada 2017 aanu bedeli Karin oo la doortay.

Waxaa kale oo tuhunka wayn keenaysa dhaqanka xisbiga iyo xukuumada Kulmiye ee soo jireenka. Sanadkii 2003-dii ayaa Maxamed Rashid sh. Xasan iyo Cabdi Xasan Buuni ayaa si aan sharciga waafaqsanayn dusha laga keenay Craxman Aw Cali Faarax (Tolwaa). Sanadkii 2009-kii ayaa Craxman Aw Cali Faarax isna shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye si jujuuba oo xisbigu ku kala jabay daaqada na uga tuureen C/raxman Tolwaa soo na waarideen Craxmaan Saylici. Maantana waxaa dhici karta in Saylici laga dul galiyo Prof. Samatar oo isna daaqada laga tuuro.

Dhinaca kale wuxuu kulanka qarsoodiga ee dhex maray Muuse Biixi iyo Prof. Samatar oo ku soo beegmaya maalin kadib markii xildhibaan ka mid ah kuwa ugu dhow-dhow Muuse Biixi iskuna haybta yihiin, waa Xildhibaan Xasan Cawaale’e oo shir jaraa’id ku cadeeyay in muuse biixi aanu doorashada ku guulaysan Karin inta Saylici ku xigeenka u yahay. Waxa iyaduna xusid mudan, in haddii Prof. Samatar taageerayo Kulmiye in wadada uu xisbiga ka soo galayaa noqoto dhinaca Saylici oo haba yaraatee aan waxba ka ogayn imaatinkiisa iyo kulanka uu Muuse Biixi la yeeshay.

Mudane Saylici ayaa ah nin socod barad ku ah siyaasada balse ku ayaan badan. Metelan, dad badan ayaa qaba in Saylici waayo aragnimo la’aantiisu keentay inuu doorashada 2017-ka damac ka geli kari waayey inuu buuxiyo halkii madaxwaynihiisii hore ee uu ku xigay ka baxay ee musharaxa madaxwaynenimada ee doorashada soo socota. Taa bedelkeeda, waxaa dhacday in jagadiisii musharaxa madaxwayne ku xigeenka oo aanu banayn lagu tartamo halka jagadii musharaxa madaxwaynaha ee banaanaatay aan lagu la tartamin gudoomiyaha xisbiga talada haya.

Waxaa iyaduna xusid mudan in haddii uu Prof. Samatar galo xisbiga kulmiye isagoo taageere ah, damacna aanu kaga jirin musharaxnimada madaxweyne ku xigeenka, sharaxa kaliya ee arintaa loo hayaa waxay noqon kartaa inuu dhisayo C/raxman Saylici oo ay isku hayb yihiin. Arintani oo gebi ahaanba ka soo horjeeda siyaasadii iyo hankii hogaamineed ee looga bartay Prof. Axmed I. Samatar.

Isku wada duuboo, waxaynu dhowri doonaa maalmaha soo socda waxa uu ku biyo shubto qorshaha prof. Samatar ka iibiyo Kulmiye, waqti xisbiguna laba garab u kala jabsan yahay, xukuumada kulmiye kalsoonideeda iyo waqtiga u hadhay ba gebo-gebo tahay.

Waxa kale oo aynu dhowri bal fahanka wacyiga siyaasadeed ee Prof. Samatar mugiisu intuu gaadhsiisan yahay marka uu ku dhawaaqo xisbiga uu ku biirayo.

Faalo: Wajaale News Staff.

 

 

Exit mobile version