Hargaysa(wajaalenews)Dablay aan haybtooda la aqoonsan ayaa xalay weerar ku qaaday guriga uu ka degen yahay badhasaabka gobolka Sool Magaalada Laascaanood,wararka naga soo gaadhaya goboka Sool ayaa sheegaya in rasaas tiro badan ay xalay qiyaastii ku dhawaad tobankii habeenimo ku fureen dablay aan ilaa imika haybtooda la aqoonsan guriga gudoomiyaha oo xiligaa ka maqnaa gurigiisa.
Xiliga ay dablaydani weerartay guriga badhasaabka ayaa ahayd xili uu ka maqnaa gudoomiyuhu gurigiisa waxaana ay wararku intaas ku darayaan in wax khasaare ahi ka dhicin ilaa haatana aan la hayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.