WAJAALE NEWS

Chief Caaqil Dayib Cabdi Ciidle oo Dib u Helay Xoriyadiisii iyo Masuuliyiinta ka Hawlgalay Siidaytiisa

HARGAYSA(WAJAALENEWS) CHIEF CAAQIL DAYIB CABDI CIIDLE OO KAMID AH MADAX DHAQAMEEDKA GOBOLKA GABILEY AYAA MAANTA CIIDAMA BOOLISKA OO AMAR KA HAYSTAY WASIIRKA ARIMAHA GUDUHU XABSIGA U TAXAABEEN,IYAGOO KA QABTAY WASAARADA ARIMAHA GUDAHA DHEXE DEEDA XILI UU GUDANAYAY HAWLIHIISA SHAQO.

HABADA WARARKA AANU KA HELAYNO AYAA TIBAAXAYA IN HADA XORIYADIISII UU DIB U HELAY JIIF CAAQIL DAYIB CABDI CIIDLE KADIB MARKII UU KA HAWLGAY WASIIRKA WASAARADA WARSHADAHA MUDANE SHUCAYB MAAXAMED MUUSE SIDA UU NOO XAQIIJIYAY JIIFKA OO AANU KHADKA TELEFOONKA KULA XIDHIDHNAY , SIDOO KALE WAXA MEESHA KA BAXDAY EEDAYN AY WASAARADA ARIMAHA GUDUHU KU EEDAYNAYSAY JIIFKA,TAASI OO KIISKA JIIFKU U XIDHNAA LAGU SHEEGAY ARIN LA XIDHIIDHA XAGA DIWAANGALINTA LAGU XIDHAY JIIFKA.

 

JIIF CAAQIL DAYIB CABDI CIIDLE AYAA XORIYADIISII DIB U HELAY ABAARO 7 (TODOBADII)FIIDNIMO EE CAAWA ISAGOO JIIFKU MUDO LIX SAACADOODA U XIDHNAA WASAARADA ARIMAHA GUDAHA,

CIIDANKA BOOLISKA EE JIIFKA QABTAY AYAAN HABA YARAATEE HAYSAN WAX WAARAN AH OO U OGOLAANAYA IN AY XORIYADA KA QAADAAN MARKA LAGA REEBO AMARKA WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA OO SIDA XAQIIQDA AH BAAL MARSAN SHARCIGA MAADAAMA AAN WAX WAARAN AANAY U  HAYSAN QABASHADA MASUULKAN,TAAS OO SHARAF DHAC KU AH QARANKA,

WASAARADA ARIMAHA GUDAHAN AYAAN WALI KA HADAL XADHIGAN JIIFKA IYO WAXA AY LA XIDHIIDHIYEENBA,ANAGA OO ISU DAYNAY IN AANU LA XIDHIIDHNO MASUULIYIINTA WASAARADA AIMAHA GUDAHA BALSE AANAY NOO SUURO GALIN.

Exit mobile version