WAJAALE NEWS

Siyaasi Cali Gobonimo Oo Waxba kama Jiraan ku Tilmaamay Wararka Sheegayay In Uu Khilaaf Soo kala Dhexgalay Isaga Iyo Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye.

Waxaan Shacabka Somaliland u Sheegayaa In Aanu jirin Wax Khilaaf oo Nasoo kala Dhexgalay Aniga iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Warkaasin Yahay Min Aan Sal iyo Raadtoona Lahayn.CALI GOBONIMO

HARGAYSA(Wajaalenews) Siyaasi Cali Aw Xasan  Jaamac (Cali Gobonimo)  oo kamida Siyaasiyiinta Miisanka Ku Leh somaliland, ayaa  Mar uu Warbaahinta lasoo xidhiidhay waxba kama jiraan ku tilmaamay war laga faafiyay oo sheegayay in uu Jiro khilaaf soo kala dhex galay Isaga Iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahna Murashaxa Madaxwayne Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi

Isagoo arimahaasi kadlayana Wuxu Yidhi.

“‘Waxaan halka idiinka cadaynayaa(warbaahinta) in aanay jirin  wax khilaafa oo nasoo kala dhexgalay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna musharaxa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sidoo kalana aanay jirin wax iska badalay xidhiidhka naga dhaxeeya,  warkaa layga faafiyayna aanu ahayn mid sal iyo raad toona leh waana mid  been abuura.

Siyaasi Gobonimo oo hadalkiisa siiwata ayaa yidhi

Waxaan kula taliyanaa masuuliyiinta warbaahinta iyo hawldenadoodaba in ay ka fiirsadaan wararka aanay hubin  ee ay  faafinayaan iskana jiraan inay adeegsadaan  cid dano kale leh kuwaasi oo gabi ahaanba meelka dhac ku ah anshaxa saxaafada.

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version