Hargaisa(Wajaalenews)Raxmaad Eebe ayaa saacadihii u danbeeyay ka da,ayay caasimada Hargaisa ee Somaliland waxa buuxa cirka oo ay buux dhaafiyeen daruuraha oo u eeg dhool.
Dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargaisa ayaa si wayn ugu diir saday curashada roobka guga ee raxmaadka oo maalmahan u danbeeyayba ka curtay gobolada Somaliland.
Raxmaad ka eebe ayay dadku si wayn u sugayeen iyada oo maalmihii u danbeeyay laga tukaday guud ahaan Somaliland salaada roob doonta iyada oo ay jirtay abaar aad u ba,an oo aafaysay Somaliland ayaa la filayaa in Eebe ka jabiyo abaartan oo hor dhac u yahay curashada roobabkan guga