WAJAALE NEWS

Qarax Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Gaystay oo lala beegsaday Maqaaxi Cunno oo ku taalla Degmada Shibbis ee gobolka Banaadir

MUQDISHO(Wajaalenews)  Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday, shan ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, Qarax goor-dhow lala eegtay maqaayad laga cunneeyo oo ku taalla agagaarka isgoyska Beexaani, degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Wararka hor-dhaca ah ee kasoo baxaya Weerarkan ayaa waxay sheegaya in qaraxa uu ahaa is miidaamin si toos ah loola beegsaday maqaayadan oo lagu magacaabo Rajo, iyadoo dad goobjoog ah ay sheegeen in dadka ku dhintay qaraxan ay ku jiraan caruur isugu jiray kuwa gaadiidka dhaqa iyo caseeyayaal.

Sidoo kale, Dad goob-joogayaal ayaa sheegay in Qaraxan uu dhacay xilli ay ku sugnaayeen maqaayada dad badan oo ka cunteynayay, iyadoo aysan illaa hadda jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan.

Qaraxa kaddib, ayaa waxaa goobta gaadhay gaadiidka gurmadka deg-degga ah oo halkaas ka qaaday dadkii dhaawacyadu kasoo gaadheen weerarkan, Waxaana sidoo kale goobta gaadhay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia.

Dhanka kale, Ilaa hadda ma jiro wax warbixin ah oo ay hay’adaha amniga dowladdu kasoo saareen qaraxan, iyadoo Weerarkan uu ka mid noqonayo kuwii maalmihii u dambeeyay ku soo kordhaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 

 

Exit mobile version