Hargaysa(Wajaalenews) Maamulaha Kastamka maaliyada ee madaarka Cigaal International Cabdihakiin Cabdilaahi Maxamuud (Galay) Ayaa Mudadii uu Joogay Maamulka kastamka Madaarka cigaal Wuxuu Dardar galin iyo kor u Qaadis ku sameeyay guud ahaan hawl maalmeedka loo igmaday shaqaalaha wasaarada maaliyada ee ka hawlgala waaxdan sidoo maamul Cabdixakim (Galay) ayaa madii koobayn ee uu joogay wuxuu dhismayaal cusub iyo Dayactir ka hirgaliyay xafiisyada Wasaarada maaliyada iyo kuwa Ciidanka Ilaalada Cashuuraha ee Tulba taariyada,
Hadaba mudada uu maamulahan gacanta ku hayay shaqada wasaarada ayaa waxa ka muuqda isbadal balaadhan kaasi oo ay dadaalkeeda leedahay wasiirada maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo mudadii ay xilka wasaarada maaliyada haysay Noqotay wasiirka kaliya ee so maray wasaarada maaliyada ee sida ugu dhakhsaha badan uga jawaabta baahiyaha masuuliyiinta iyo maamulayaasha kastamyadu kasoo dal badaa si loo dardargaliyo hawlaha ay qaranka u hayaan.
Dhawaan ayay ahayd markii qaarkamida warbaahinta onlineka ah ay baahiyeen war been abuur ah isla markaana ka fog xaqiiqda meelna kaga dhacaya samcada iyo milgaha ah uu mudan yahay qof kasta oo reer somaliland hadii uu xil hayo iyo hadii aanu ahaynba sidoo kale qoraalkan lagu daabacay qaarkamida websayada ayaa ka baxsanaan Anshaxa sixaafada kaasi oo lagu sheegay in wasiir samsam lacag siisay maamule CABDIXAKIIN TAASI OO AY KU SHEEGEEN IN UU KU AROOSANAYO, BALSE GABI AHAANBA AANAY WAX KA JIRIN.
Hadii aan ku noqdo xaqiiqda iyo sida ay tahay shaqsiyada maamulaha madaarka cigaal, cabdixakiin waa nin leh reer in mudo ahba sidoo kale waa masuul degan magaalada hargaysa maahana qof bulshada ku dhex qorsoon ee wuxuu kamid ahaa halgamayaashii SNM waana masuul samcad baaladhan ku leh guud ahaan somaliland
Waxaase wax laga xumaado ah cida qoraysa waxaan jaan iyo cidhib lahayn una muuqda war uu sameeyay qof ka ardan milgaha kaasi oo ku gafay masuulkan iyo qoyskiisaba kana been sheegay
waxaan kula talinayaa cidkasta oo ku kacday falkan iyo shaqsiyaadka u haysta qoraalka noocan ah in uu qof wax ku yeeli karo samcadiisa fadlan u tudho aayahaaga iyo aakhiraadada danbe
maamule CABDIXAKIINA WAXQABADKIISA IYO DADAAL UU UGU JIRO QARANKA MAAHA MID WAX YEELAYSA MALO AWAAL QOF AAN MASUUL AHAYD QORAY.
HALKAN HOOSE KA EEG QORAALKA BEEN ABUURKA AH EE LAGA FAAFIYAY MAAMULAHA KASTAMKA MADAARKA CIGAAL IYO WASIIRADA MAALIYADA 31/03/2016
XOG-CULUS: WASIIR SAMSAM OO 30,000 DOLLAR OO GURI-GAL AH KHASNADDA UGA SAARTAY WIIL AROOS AH OO AY EDO U TAHAY
(Hargeysa():- Wasiiradda wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa lacag dhan 30,000 oo dollar bakhshiish ahaan qasnadda wasaaradda Maaliyadda uga saartay wiil ay edo u tahay oo maamula kastamka cashuuraha madaarka diyaaradaha Hargeysa oo dhawaan aroostay.
Illaa hada ma jiraan warar amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay baxay dhanka wasaaradda balse sid ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in lacag dhan 30,000 dollar ay wasiir Samsam si toos ah qasnadda Maaliyadda ugaga soo saartay wiilkan ay ededa u tahay si uu uga dhigto kharashaadka debaal-dega iyo damaashaadka arooskiisa.
bal adba