Maamulaha Kastamka Madaarka Hargaysa Iyo Qaladka Warka Been Abuurka Ah Ee Warbaahinta Qaar Waxba ka Badali Mayso Dadaalka Uu Ugu Jiro Qaranka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulaha Kastamka Madaarka Hargaysa Iyo Qaladka Warka Been Abuurka Ah Ee Warbaahinta Qaar Waxba ka Badali Mayso Dadaalka Uu Ugu Jiro Qaranka.
April 3, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews) Maamulaha Kastamka maaliyada ee madaarka Cigaal International Cabdihakiin Cabdilaahi Maxamuud (Galay)  Ayaa Mudadii uu Joogay Maamulka kastamka Madaarka cigaal Wuxuu Dardar galin iyo kor u Qaadis ku sameeyay guud ahaan hawl maalmeedka loo igmaday shaqaalaha wasaarada maaliyada ee ka hawlgala waaxdan sidoo maamul Cabdixakim (Galay) ayaa madii koobayn ee uu joogay wuxuu dhismayaal cusub iyo Dayactir ka hirgaliyay  xafiisyada Wasaarada maaliyada iyo kuwa Ciidanka Ilaalada Cashuuraha ee Tulba taariyada,

kastamka madaarka

Hadaba mudada uu maamulahan  gacanta ku hayay shaqada wasaarada ayaa waxa  ka muuqda isbadal balaadhan kaasi oo ay dadaalkeeda leedahay wasiirada maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo mudadii ay xilka wasaarada maaliyada haysay Noqotay wasiirka kaliya ee so maray wasaarada maaliyada ee sida  ugu dhakhsaha  badan  uga jawaabta  baahiyaha  masuuliyiinta iyo maamulayaasha kastamyadu kasoo dal badaa si loo dardargaliyo hawlaha ay qaranka u hayaan.

Dhawaan ayay ahayd markii qaarkamida warbaahinta onlineka ah ay baahiyeen war been abuur ah isla markaana ka fog xaqiiqda meelna kaga dhacaya samcada iyo milgaha ah uu mudan yahay qof kasta oo reer somaliland hadii uu xil hayo  iyo hadii aanu ahaynba sidoo kale qoraalkan lagu daabacay qaarkamida websayada ayaa ka baxsanaan Anshaxa sixaafada kaasi oo lagu sheegay in wasiir samsam lacag siisay maamule CABDIXAKIIN TAASI OO AY KU SHEEGEEN IN UU KU AROOSANAYO, BALSE GABI AHAANBA AANAY WAX KA JIRIN.

Hadii aan ku noqdo xaqiiqda iyo sida ay tahay shaqsiyada maamulaha madaarka cigaal, cabdixakiin waa nin leh reer in mudo ahba   sidoo kale waa masuul degan magaalada hargaysa maahana qof bulshada ku dhex qorsoon ee wuxuu kamid ahaa halgamayaashii SNM waana masuul samcad baaladhan ku leh guud ahaan somaliland

Waxaase wax laga xumaado ah cida qoraysa waxaan jaan iyo cidhib lahayn   una muuqda war uu sameeyay qof ka ardan milgaha kaasi oo ku gafay masuulkan iyo qoyskiisaba kana been sheegay

waxaan kula talinayaa cidkasta oo ku kacday falkan iyo shaqsiyaadka u haysta qoraalka noocan ah in uu qof wax ku yeeli karo samcadiisa fadlan u tudho aayahaaga iyo aakhiraadada danbe

maamule CABDIXAKIINA WAXQABADKIISA IYO DADAAL UU UGU JIRO QARANKA MAAHA MID  WAX YEELAYSA MALO AWAAL QOF AAN MASUUL AHAYD QORAY.

HALKAN HOOSE KA EEG QORAALKA BEEN ABUURKA AH EE LAGA FAAFIYAY MAAMULAHA KASTAMKA MADAARKA CIGAAL IYO WASIIRADA MAALIYADA  31/03/2016

 XOG-CULUS: WASIIR SAMSAM OO 30,000 DOLLAR OO GURI-GAL AH KHASNADDA UGA SAARTAY WIIL AROOS AH OO AY EDO U TAHAY

(Hargeysa():-  Wasiiradda wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa lacag dhan 30,000 oo dollar bakhshiish ahaan qasnadda wasaaradda Maaliyadda uga saartay wiil ay edo u tahay oo maamula kastamka cashuuraha madaarka diyaaradaha Hargeysa oo dhawaan aroostay.

Illaa hada ma jiraan warar amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay baxay dhanka wasaaradda balse sid ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in lacag dhan 30,000 dollar ay wasiir Samsam si toos ah qasnadda Maaliyadda ugaga soo saartay wiilkan ay ededa u tahay si uu uga dhigto kharashaadka debaal-dega iyo damaashaadka arooskiisa.

 

 

 

bal adba

 

COMMENTS
LINKS