WAJAALE NEWS

Dacwad Nooceedu Ku Cusub Yahay Indhaha Shacbiga Somaliland Oo Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex Ay Soo Gabo-Gabeysay

Dhegeysiga Iyo Xukunka Dacwaddan Waxa Ay Shalay Maxakamaddu Kusoo Gebogabaysay Isla Goobtii Dembigu Ka Dhacay

“Gudaha Ka Akhri: Xukun, Ganaax Iyo Xadhig Ay Maxakamaddu Isu Raacisay Eedaysane Nabaad-guuriyey   Dhul-daaqsimeed Ku Yaalla tuullada Qori-jabley, Kaasi Oo Qirtay In Uu Badheedh U Garaacay In Ka Badan Toddoba Boqol [700] oo Geed Oo Galool iyo Qudhac ah”

Hargeysa(Wajaalenews) Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa shalay subax waxa ay soo gebo-gabeysay dacwad ku cusub indhaha Shacabka Somaliland.  Dacwadan Maxkamada Gobolku waxa ay kusoo gabo-gabeysay Dhageysigeedu iyo Xukunkeedaba goobtii danbigu ka dhacay oo aheyd dhul daaqsimeed ku yaala tuullada Qori-jabley ee Degmada Sabowanaag. Haddaba dacwadani waxa ay u dhaxeysay Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga iyo Muwaadin Somalilander ah, kaas oo ku talaabsadey in uu si badheedh ah u jar-jaro (700) Geed oo Galool iyo Qudhac ah. Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka M/jeex oo Garsoorena ka ahaa Dacwadan ayaa go’aansaday in lagu qaado dacwada goobtii uu danbigu ka dhacay oo ah dhul-daaqsimeed uu Muwaadinkani sheeganayey, G/yaqaan Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa 10kii subaxnimo ee shalay ka bilaabay isla dhul-daaqsimeedkii dhirta laga jarey dhexdiisa dacwadii isaga oo kusoo gabo-gabeeyey dacwadaas oo uu xukun ka gaadhey iyada oo uu K/X/Xeer Ilaaliyaha Guud Md C/raxmaan Maxamed Maxamud-na ka ahaa Dhibane qaranka matalayey

waxa dacwadan goob joog ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Deegaanka Somaliland oo uu hogaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka Md. Maxamed Cilmi Xuseen.

Eedaysane C/laahi Haaruun Daa’ud oo 42 jir ahaa waxa uu Maxkamada horteeda ka qirtey danbigaas lagu soo eedeeyey dhageysiga markhaatiyaasha oo ku marag furey ka dib.

ugu danbeyna waxa uu G/yaqaan Axmed Dalmar Ismaaciil ku Xukumey Eedaysane C/laahi Haaruun Daa’uud xadhig dhan 3 sano, (3000,000 sh.sl) oo ganaax ah iyo in uu markuu xadhiga dhameysto beero (200) oo geed isla goobta uu ka jarey dhirta,

 

Exit mobile version