WAJAALE NEWS

Aqoonyahan Yuusuf Budle oo Siqo Dheer u Sharaxay Fashilka Wasaaradda Arrinaha Dibedda Somaliland Iyo Qorsheyaasha Ay Ku Socoto Oo Uu ku Tilmaamay Kuwo Qaranka Ceeb ku Ah.

HADAY SII GO’DAY: Caqligii Wasaarada Arrinaha Dibedda Ee Somaliland oo kusoo Koobmay Sheeko Caruureed iyo Maaweelo Aan Xataa Ciyaalka laga Iibin karin.Yuusuf budle.

Wasaaradda Arrinaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxaa laga sugayey “Qorshe cilmiyeysan oo lagu hago siyaasadda Arrinaha Dibedda ee Somaliland “, ugamanaan fadhiyin maaweelo iyo shirar jaraa’id oo qosol qosol ah oo xataa ay ka maqan yahay brotokoolkii ama akhlaaqdii hogaamiyenimo.

Xusuus: Somaliland dadkeeda hore ayaa afti ( referendum) looga qaaday ayna ku cadeeyeen mawqifkooda siyaasadeed…..looma baahna afti cusub iyo 1 Million oo saxeex.

Waxa aan ka warhaynaa fashilka foosha xun ee ay Wasaaradda Arrinaha Dibedda ee Somaliland ku fashilantay dhamaanba hawlihii loo igmaday. Waxa aynu beryahaas kolba meel ku aragnaa warsaxaafadeedyo dhamaantood faashil ah oo kolba meel ay lasoo fadhiistaan. Dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee foolxumada weyn keenay waxaa ka mid ah:

(1) Qorshihii aan laga fiirsan ee Wasiirka Arrinaha Dibeddu aroorta keliya kula soo toosay in ay qadiyada gooni isutaaga Somaliland horgeynayaan maxkamada Caalamiga oo ay xagga sharciyadda uga wareegayaan. Arrinkaasu oo ahaa hindise aan haba yaraatee ku fadhiyin wax aqoona iyo weliba ka fiirsi siyaasadeed, waxa uu ku dambeeyey in hadana laga daba keeno war odhanaya ” Waanu ka noqonay” si ay meeshu tahay khashaafataddii ciyaalka ee igama qudhuntoo…

(2) Isku keeniddii Safiiro ku sheega Somaliland u fadhiya dalalka dibedda, oo dhamaantiis ku dhamaaday casho/qado sharafeedyo iyo sawirro la galo. Safiiradaa loo yeedhan oo intooda badaniba ay marka horeba Hargeisa iska dhexjoogeen ayaa hadana ceebta ugu weyni ka dhacday markii ay si badheedha u diideen in ay kasoo qaybgalaan labaddi safiir ee ugu muhiimsanaan lahaa joogitaanka kulankaas oo labadooduba ahaa qoyska/gacalka Madaxtooyada: Waa Safiirka Emaaraadka Carabta ugu magacaaban Somaliland iyo Safiirka ku magacaaban USA oo isagana ay Marwada koowaad Eedo u tahay. Al muhiim, shirarkaas wax kasoo baxay oo aan sawirro iyo faan been ah ahayn ma hayno.

(3) Guddiddii aqoonsiraadiska ee uu Madaxweynuhu magacaabay, gudoomiyahana uga dhigay Faysal Cali Waraabe oo iyadna ahayd hambaabir arooreed aan laga fiirsan iyo ceeb qaran ayaynu ognahay meesha ay ku dambaysay iyo in xubnihii la magacaabay ay sheegeen in aanay kaba war haynin arrinka loo diray iyo sababta loo magacaabayba, maadaama aan cidiba kala tashan magacaabidooda iyo xataa danta laga leeyahay magacaabidoodaba.

(4) Maanta waxa aynu arkaynaa shir jaraa’id oo aan ujeedo iyo nuxur uu ku fadhiyo aan la garan karin. 20 maalmood (28 April -18th May) oo 1 Million oo saxeex lagu ururiyo oo weliba Burco, Hargeysa,  Ceerigaabo iyo Boorama oo keliya ayaa ka qayb qaadanaya? Tirakoobka doorashooyinka ayaanu u dhex raacinaynaa? Toloow xagay salaadu ka xidhmi la’dahay? Yaa xiisaynaya 1 Million oo saxeex? miyaan dadka reer Somaliland hore looga qaadin afti ( referendum) ay si buuxda ugu cadeeyeen mawqifkooda siyaasadeed

 

Su’aalaha meesha kasoo baxaya ayaa waxa ay yihiin: Waxanu ma ka aqoondaraa mise waa ka bes oo intaasayba ka tahay? Kuwii dirtay ee dadka noocan ah wax u dirtay toloow ma la ogyihiin waxan meesha ka socda, mise maalintay magacaabeenbaa ugu dambeysay? Toloow Wasiirkan iyo ku xigeebadiisan meesha ku haftay miyey waayeen wax u nasteex ah oo u sheega in umaddii yaaban tahay oo xataa in laga hadlo ceebta ay dalkan usoo jiideen laga xishoonayo?

Waxaan ogahay in dadka reer Somaliland siddii inoo caadada ahayd sanad kasta xiligan, ku jiraan qooqii siyaasadeed ( Caadifad Siyaasadeed), maadaama lagu jiro u diyaargaroowgii 18ka May, laakiin waxaa muhiim ah in aan ogaano in marka qooqu dhamaado 19th May, xaqiiqadu halkii’uun ay taagan tahay.

Waxa aan xisuusinayaa Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo ku xigeenadiisaba in ay dadku arkayaan sida ay wax u socdaan, kana xishoonayaan in ay ceebta socota ceeb kale ku daraan, marka aanay isku deyin in ay caqliga iyo niyada ka wasakheeyaan dadka reer Somaliland hamuunta u qaba in loo horseedo jidka saxda ah ee ay wax kula wadaagi lahaayeen dalalka kale ee aduunka.

 

 

Aqoonyahan Yuusuf Budle

Exit mobile version