Hargeisa, April 22, 2016 (W.N.): -Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo wareedo u dhuun daloola Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beesha caalamka ka dalbaday in Muqdisho la geeyo maydadka dadkii dhawaan ku dhintay badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga, kuwaas oo badankoodu ahaayeen muwaadiniin reer Somaliland ah oo waliba qaarkood ay dhaleen mujaahidiintii dalka xoreeyey.
Dalabka Xasan Sheekh ayaa dhabar-jab wayn ku ah Qaranimada Somaliland oo aan wakhtigan haysanin xukuumad difaacda jiritaankeeda.
xigasho: haatuf news