WAJAALE NEWS

Xukuumada Oo Iibisay Dhulka Xabaalaha Ee Dugsiga H/dhexe ee 31 May(Ex dhalinta-kacaanka) Iyo Walaaca Ay ka Qabaan Dadkii Ehelkoodu Ku Duugnaayeen Xabaalaha ,

Hargeysa(Wajaalenews)-Xukuumada Somaliland oo xiligan dabayaaqada mudo xileedkeeda caadeysatey kasii laaca dhulka Caasimada Hargeysa ayaa wakhti xaadirkan guud ahaanba Iibisay Dhulka Xabaalaha  Iskuulka 31 May ee Ex Dhalinta Kacaanka halkaas oo mudo lagu wareejiyay Deyr intii Xukuumadani talada haysay,waxaanay wararka xogogaalka ahi sheegayaan in laga iibiyay Ganacasto ka sameynaya Huteelo iyo Cusbitaalo gaar loo leeyahey ilaa iyo hada lama garanayo in amarkani kasoo fuley dhinaca Madaxtooyada iyo in Wasaarada Hawlaha Guud ku kooban yahey.

Geesta Kale xabaalahan oo lagu aasayey dadka Geeriyooda laga soo bilaabo sanadihii Sideetamaadkii ilaa sanadihii 2008dii waxaa ku duugan kumanaan marxyuum oo Sheekh iyo shariifba lahaa taas oo ay walaac badani kasoo waajaheen eheladooda oo u badan dadka rasmi ahaan u degan Xaafada Jigjigayar,inkastoo ay dadkaasi kamid yihiin Bulshooyinka aaney Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo waxba iskaga tirin ee Beesha Sacad-Muuse oo ay ula baxeen Magacyo iyo naaneyso ay kamid yihiin Canbar la helay.

Exit mobile version