WAJAALE NEWS

Warbixin Dhinacyo Badan Taabanaysa “Malafahmay Miisaaniyad La kordhiyay Ee Xukuumadda Axmed Siiranyo In Ay Tahay Cashuur La Kordhiyay ?

Laf Dhabarta Dhaqaaluhu ma cashuurbaa mise waa wax Soo saar?

Waa maxay wax soosaar? Waa sidan

(1) Beero laqodo oo lamaalgaliyo

(2) Xoolo ladhaqo oo lamaalgaliyo

(3) Warshado wax soosaara oo lakeeno

(4) Macdan ladhoofsho oo la soosaaro

(5) Ganacsiga oo laka xadeeyo Sida soo dajiye+jumladle+tafaariiqle

(6) Dhalin yarada oo lajiheeyo oo barnamij loosameeyo lagaga faa ideeyo muruqooda iyo maskax dooda si ay ugu dhiiradan dalkooda

Hadaba iyada oo aan lixdaa qodob aanay midna waxba kudarin xukuumaddan kulmiye ee raadka kulul ayay kufaantaa waxqabad ay uhaystan cashuur lakordhiyay  iyo afar gidaar oo la nuuradeeyay  oy innaga caawiyaan hayado ajanabi ah oo intooda badana ay yihiin kuwo lagu lunsado hantida qaranka oo ubadan tuugada mashruucaysan

1 Madaxwayne Riyaale wuxu lawaregay Bajad dhan(28000,000$)

2 Wuxu xilka hayay3-dii May 2002 ilaa 27 July, 2010 waa mudo 8 sano ah

3 Hadaba waxa lakordhiyay mudada 8sano ah(19000,000$)

4 Waxanu wareejay Bajad ah (47000,000$)

Fiira Gaar ah hala fahmo macnaha miisaaniyadankulmiye kufaano

Maaha dhaqaale kobcin ee waa cashuur dadka lagu kordhiyo sideedaba somaaliland

SN sanadka Cashurtii hore Cashuurta la kordhiyay Farqiga cashurta

1 2010 : 47000,000$ Lama kordhin

2 2011 : 86000,000$ 39000,000$ 42000,000$

3 2012 : 106000,000$ 20,000,000$ 20,000,000$

4 2013  :125000,000$ 19000,000$ 19000,000$

5 2014  :152000,000$ 27000,000$ 27000,000$

6 2015  :251000,000$ 99000,000$ 99000,000$

7 2016  :295280174$ 44280174$ 44280174$

Waana sidann

Hadaba halkan ka akhriso cashuurta loo kordhiyay sida bilaa arxanka ah

1-  Cashuurta ay kordhisay xukuumada  kulmiye shan sano iyo lix bilood iyada oo aanay kujirin tii riyaale oo iyadu sidii ah waa sidan (248280174$)

Tusaale cadayn cashuurta lakordhiyay waa sidan:

(1)Dawladda dhexe=wado marinta gadhiga ugu yar markii hore ee madaxwayne Riyaale waxay ahayd (35000shilin lixda bilood)

(Waxu kadhigay lixdii bilood Axmed siiranyo sidan(165,000shilin)

(3)Dawlada hoose jeexistii dhulka oo ahayd markii hore ee madaxwayne Riyaale(80,000shilin ama12$) Hada waxa  uu ka dhigay Axmed siiraanyo(217$ iyo 130000shilin oo isku ah isku gayn(235$) bal ufiirsada juwan ahaa 12$ oo laga dhigay 235$ bal alan idinkudhaariyee ma nololbaa  miyaanu ahay Axmed siiraanyo kii shalay nalahaa waxa badan 47000000$milyan ee madaxwayne Riyaale oo waala cunaa maxaa keenay in aad manta saarto dadka cashuurta intaa leeg madaxwayne hadaad runsheegaysay

Miyaanay ka xumaynba  abaarta baahsan cashuurta siiraanyo kaqaado dadka tabaalaysan ee markuu kordhiyaba  ganacsataduna saarto masaakiinta ee hadana isku haysta nin dadka unaxariista  oo maanta ah madaxwaynihii ugu wacnaa ee soo mara somaliland

Hal kayse ku baxdaa lacagta intaa leeg hadiise lahayo Bal halaga helo labatan milyan oo loogu gurmado dadka abaaraysan oo hamuuqato manta hadan lacunin

Madaxwayne haday kaa dhab ahayd shalay baad nalahayd miisaniyada dahir riyaale way badan tahay oo waa la cunaa oo dadku maqaadikaro oo wan kadhimi doonaa

Maxaa kugu kalifay in aad dulsaarto dadka masaakiinta ah cashuurta intaa leeg hadaad run sheegaysay ood ugu filaysin wayday tiila cunaayay haday run kaa ahayd

 

Hada dadku waa dadkii dalkuna waa dalkii madaxwayne

 

Hadii beenta lagu celceliyo runbaa lamoodaa ee hala iska hubsado dad ow

 

Cadadkii  labaad Rf02

Exit mobile version