WAJAALE NEWS

Mulkiilaha Dhaab Biyoodka Uu Gudoomiyaha Magaalada Tog Wajaale xoog Iyo Sifo Sharciga Baalmarsan ku Aasay Oo Madaxwayne Siilaanyo Baaq Udiray,

DAAWO ;MUUQALADAN OO  KALA AH KHASAARAHA UU U GAYSTAY DHAAMKA ISMARKAANA UU BUUX DHAAFIYAY QASHIN  IYO DHISMAHA JIIDGAN UU XOOG KAGA HOR DHISTAY WAJAHADA BALAYGA.

TOGWAJAALE(W,N) Dhawaan Ayay ahayd Markii gudoomiyaha Degmada Tog wajaale cabdi saleebaan xasan uu Xoog iyo  sifo  sharciga baalmarsan uu caf cafyo ugaliyay dhaam biyood ku yaala magaalada wajaale kana  cabto bulhsadu kaasi oo uu leeyahay ABOKOR  Axmed xuseen kooshin.

Hadaba Mulkiilaha  balayga oo Abokor Axmed Xuseen  oo Ka waramaya  Dhacdadan dhaamkiisa lagu Aasay iyo kuwo ka horeeyay wuxu yidhi,

Gudoomiyaha degmada Tog wajaale Cabdi Saleebaan Iyo Cabdilaahi xaaji Cumar Gaboobe Ayaa Taariikhdu markay ahayd 07/01/2015.Iyadoo wax sharciya iyo ogolaansho U haysan waxay  khasaare u gaysteen balayga  waxaa dhacdadaa goob joog ka ahaa gudomiyaha maxkamada gabiley ee xiligan oo markaa garsoore ka ahaa maxkamada wajaale cabdikariim

Arintaasi waxay  maxkamadu ka qaaday talaabo iyadoo xidhay labadan nin balse markii danbe Waxa lagu sii daayay DAMIIN, Nasiib daro se gudoomiyaha wajaale  oo xiligaan Aan xil haynin  ayaa waxaa loo soo magacaabay Maayarka Wajaale  Isagoo danbiile ah islamarkaana aanay bixinin magdhawga khasaarihii ay hantidayda u gaysteen Waa labada nin ee aan magacaantooda kor ku xusay e,

Mudo Bil iyo sedex cisho ah markii uu xilka hayay  wuxu biaabay in uu awood iyo shaadh dawladeed isagoo adeegsanaya  xoog   sandaqad(jiingad) kaga hor dhistay wajahada balayga wali way ku taal

taasi oo kaliya kuma uu jooge wuxuu maalin dhawayn sameeyay in uu xoog caf cafyo u galiyay balaygayga isagoo awood ku aasay balaygii khasaare balaadhana ugaystay .

waxaa ‘nasiib daro iyo argagax nagu noqotay in balaygii oo laga cabayo awood iyo sifo uu ku aasano lahayn uu  marlabad waxaasi kula kacay

‘ANIGOO AH MULKIILAHA DHAAMKNA(BALAYGAN  WAXAAN MADAXWAYNAHA SOMALILAND MUDANE AXMED MAXAMED MAXAMUUD  SIILAANYO IYO MASULIYIINTA WASAARADA ARIMAHA GUDAHA  SI XUSHMAD LEH UGA  COD SANAYAA IN AY SI  DHAKHSO AH USOO FARO GALIYAAN DHACDADAN FOSHA XUN EE HANTI DAYADII LOOGU ADEEGSANYO SHAADHKII QARAN EE AHAA IN SHACBIGA LAGU ILAALIYO BALSE XILIGAN UU MASUULKAN U  ADEEGSADAY SIFI SHARIGA BAALMARSAN

WAXAAN SIDOO KALE BAQQ UDIRAYAA CIDKASTA OO JECEL HORUMARKA IYO DEGENANSHAHA MAGAALO GANACSIYEEDKA WAJAALE IN AY GURMAD KA GALAAN BOOB IYO ADEEGSIGA SHAADHKA DAWLADA EE UU CAADAYSTAY GUDOOMIYE CABDI SALEEBAAN, AYUU YIDHI,

SI KASTABA HA AHAATEE WAXAA MAALMIHII UDANBEEYAY XOOG LOOGA DAREEMAYAA MAGAALADA TOG WAJAALE BULSHADA AY KU BADNAY HADAL HAYNTOODU HABDHAQANKA UU LASOO BAXAY MAAYARKA WAJAALE HORENA AAN LOOGU ARAG GUDOOMIYAYAASHII MAGAALADA WAJAALE SOO MARAY  MAR QUDHA AANAY  ISKU DAYIN IN ARIMO NOOCANATALAABO,

 

Exit mobile version