WAJAALE NEWS

Madaxweynaha dalka Ivory Coast, Alassane Ouattara, ayaa sheegay in 14 qof oo rayid ah iyo laba askeri lagu dilay weerar ka dhacay maagaalo xeebeedka Grand Bassam.

Hargeysa(WJN):- Kooxda Islaamiyiinta ee Al-qaacidada Waqooyiga Afrika ayaa sheegtay in ay ka dambaysay weerarkii lagu qaaday huteelo ku yaalla koofurta Ivory Coast.

Madaxweynaha dalka Ivory Coast, Alassane Ouattara, ayaa sheegay in 14 qof oo rayid ah iyo laba askeri lagu dilay weerar ka dhacay maagaalo xeebeedka Grand Bassam ee u dhaw caasimadda Abidjan. lix kamid ah kuwii weerarka soo qaaday ayaa la dilay.

Goob-joogayaal ayaa tilmaamay in rag wajiga soo xirtay ay billaabeen in ay rasaas ku furaan dad ku sugnaa xeebta, ka hor inta aysan u soo gudbin huteelada.

Kooxda Al-qaacida ayaa dhowr bilood kahor weerar kan lamid ah ku qaaday caasimadaha dalalka Mali iyo Burkina Faso.

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande, ayaa ku sheegay fal fulaynimo ah, waxuuna u ballan qaaday Ivory Coast in Faransiiska uu la garab taaganyahay taagero dhinaca sirdoonka ah.

Wajaalenews.net
Hargeisa Office
Wariye:Abdiqaqdir Habane

Exit mobile version