Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waa mujaahid bartay Cilmiga dhaqaalaha waana siyaasi muddo badan kusoo jiray dawladihii kala dambeeyay ee umada soomaaliyeed.
Madaxwayne Siilaanyo waxaa codkii ugu badnaa kusoo baxay 26,June,2010 oo uu ka guuleystay Madaxwaynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin,isagoo xilka kala wareegay 27 July isla sanadkaasi, maalintaasi madaxwayne Siilaanyo waxaa uu ku dhaartay inuu shacabka Somaliland uga Shaqeyn doono dhinacyada Nabada,Aqoonsiga,Cadaalada iyo midnimada shacabka Somaliland hadaba waxaa aynu soo qaadanaynaa qodobo ka mid kuwaasi uu madaxwayne Siilaanyo ku dhaartay maalintaasi waxaa uu ka qabtay dhinaca Taban iyo dhanka Toganba Annigoo ka bilaabaya cadaalada.
Cadaalada:
Xukuumada madaxwayne Siilaanyo markii ay dhalatay waxaa ay balanqaaday inay wax badan ka badalayso qaabka garsoorka dalka si umadu u hesho cadaalad siman madax iyo mijaba, Madaxwayne Siilaanyo waxaa uu ku guuldaraystay muddo shan sano inuu cadaalada wanaajiyo oo uu fuliyo balanqaadyadiisii uu ku ololeyn jiray markii uu mucaaridka ahaa Waayo? Shacbigu waxaa ay inta Somaliland jirtayba ka cabanayaan bahda garsoorka oo inta badan aan ku shaqeyn nidaamka islaamku u ilaaliyay Sinaanta iyo cadaalada.
Somaliland waxaa maalin walba ku dhinta shacab isku dila cadaalad daro iyo dawlada oo kala saari wayda ama mid soo raacda labada qof ee kala cabanaya haddii aynu tusaale Soo qaadano “ labadii beelood ee isku qabsaday beerta kaantaroolka galbeedka magaalada Hargeysa oo lagu dilay Saddex saddex askari”
Aqoonsiga:
Madaxwayne Siilaanyo waxaa uu shacabka Somaliland inta badan codkooga ku hantay ictiraaf raadinta jamhuuriyada ka go’doonsan caalamka intiisa kale, Xukuumada madaxwayne Siilaanyo waxaa ay xukunka dalka haysay muddo lixsano ah Walina lama sameyn sharcigii lagu aqoonsan lahaa waddanka 25 sano caalamka ka doonayo aqoonsiga, shacabka reer Somaliland oo inta badan loo sheego inuu aqoonsigu soo dhawyahay maba oga inuu jiro qodob qeexaya nooca aqoonsi ee Jamhuuriyada Somaliland caalamka uga baahantahay, waxaa jira wakiilo badan oo ka tirsan xukuumada Siilaanyo oo Somaliland u jooga daafaha caalamka qaarkood malaha xafiisyo ay ku shaqeeyaan oo ay umada ugu adeegaan.
Sanadkan gudihiisa ayaa mar wasiirka arrimaha dibada Somaliland iskugu yeedhay dhamaan safiirada Somaliland iyo wasiiradii soo maray wasaaradaasi waxaa uu weydiiyay, yaa wali caalamka ku safray baasaaboorka Somaliland?xubnihii madashaasi fadhiyey waxaa ay ku wada jawaabeen maanaan qaadan iyo kuma safarno, Marwo Adna oo ka mida dadkii shirkaasi tagay ayaa ku jawaabtay oo tustay inaanay waligeed baasaaboorka Somaliland mooyee ku kale ku safrin.
Lix sano oo madaxwayne Siilaanyo Somaliland xukumayay dalkii meel walba wuu kasoo oodmay Jabuuti oo jaarkeena ah ayaa xuduudii innagu adkaysay inay aqoonsato dawladnimadeena iska dhaafoo.Madaxwayne Siilaanyo oo in badan carabkiisa kusoo celcelinjiray aqoonsiga Somaliland qodobkaasina waa uu ku guuldaraystay.
Qabyaalada iyo isku haynta shacabka Somaliland
Madaxwayne Siilaanyo markii 2003dii doorasahada lagaga guuleystay waxaa uu bilaabay qorshe kale oo uu doorashadii dhacday 2010kii ku guuleysto isagoo bilaabay inuu taageeradiisa ka xoojiyo reerka uu kasoo jeedo, madaxwayne Siilaanyo waxaa ay beeshiisu shirku yeelatay Gar-adag halkaasi oo reer kaasi ku doortay madaxwayne Siilaanyo inaanay cidna la tartamin wakhtigaasi madaxwaynaha waxaa la tartamayay Saleebaan Gaal oo laga reebay reernimana uga hadhay, Madaxwayne Siilaanyo isagoo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ah waxaa uu reer walba ula shiray si gooniya waxaana uu u balanqaaday xilal, iyo hadyado kale oo ay ka mid yihiin inuu ganacsatada qaar Monopoly uga dhigay ganacsi ay markii Somaliland keeni lahaayeen.
Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo markii ay dhalatay haddii aan annigu iska soo qaado Qabyaalada, Reer, qoyska iyo Qabiilkaba ma kala aqoon laakiin maanta Anniga iyo in badan oo ila mid ahi si xun ayay u saameysay cimilada iyo waayaha lagu noolyahay awgeed.
Kala Qaysanaan Shacbiga Somaliland waa taasi maanta meel walba reer sheeganayo iyadoo dawladii shacabku doortay joogto, Reerbaa Warshadii sibidhka horjoogsaday, reerbaa Dekad dhisanaya, reerbaa duurka galay oo dagaalamaya, reerbaa diwaangalintii joojinaya oo xabad ula tagay, reer waliba dhinaciisa ayuu wax u sheeganayaa oo ka cabanayaa dawladnimadii ayaa maanta halis ku jirta midnimadii ha dambaysee.
Amniga iyo Nabada:
Markii uu madaxwayne Siilaanyo sidaasi dalka u qabsaday laba bilood kadib xil wareejintiisii waxaa xeebta Saylac kasoo dagay dabley hubaysan oo aan la garan meesha ay ka yimaadeen taasi oo Somaliland magac xumo ku noqotay, Somaliland oo ahayd nabad inyar oo gobolada Beri ah mooyee waxaa hadana maleeshiyaad ka sameysmay Gobolka Awdal oo khalkhal galiyey dalka Ciidamana ku dhintee, goboladii beri wali dagaalkii wuu ka socdaa oo ma joogsanin waxaana ugu dambeeyay markii dad reer guraaya xabad lala dhacay gudaha Somaliland, Xukuumada Siilaanyo waxaa la curtay dilalka saraakiisha ciidamada oo aanay Somaliland tag u haynin askari si khaldan u dhinta, waxaa badatay toogashada badheedhka ah ee saraakiisha iyo askarta lagu hayo, Ciidamada qaranka oo magaalada Hargeysa maleeshiyo beeleed kusoo weerareen saddex askarina lagu dilay, askari dilay taliyihiisii oo baxsaday, Hebelbaa hebel dilay oo baxsaday, magaalada Hargeysa habeenkii dilal qorsheysan ka dhacayaan, waxaa jirta dhalinyar maalintii iyo habeenkii dadka boobaya oo midi iyo hub ku dilaya, Amnigii faraha ayuu ka baxay inta xukuumada madaxwayne Siilaanyo jirtay,shacabku maalin walba waa u werwer, haday Anniga tahay iyo haday hooyooyinka baariiska ciyaalkoodii la dhibanba tahay, dunida lama arag wasiir amni oo ciidamada booliiska kala horyimaad hub culus, sarkaal booliiska la dagaalama Somaliland iyo xukuumada Siilaanyo mooyee.
Dhaqaalaha.
Dawlada Axmed Siilaanyo waxaa ay dalka lasoo gashay dardar iyo horumar lagu yaqaano dawladaha curdinka ah, Inta xukuumada madaxwayne Siilaanyo jirtay waxwaliba wuu qaaliyoobay, noloshiibaa sii adkaatay, shacabkii wuu kala tagay oo magaalada Hargeysa nin wasiirina waxaa uu wataa Afar gaadhi, Miskiin shicib ah oo reer Somaliland ahina Gaajo darteed ayuu bisadaha u cunaa, Shacabka Qaarbaa biyaha dhulka socda ka caba oo aan war loo hayn, waxaa kaaga sii daran madaxwaynaha yidhi Shirkada Isgaadhsiinta ayaa Adeegyada ay bixiyaan shacabka kor ugu qaaday maciishada ee Hadana shaqaalaha dawlada mushaharkii kusiinaya Adeegyada EDAHAB iyo ZAAD.
Gabagabadii, Madaxwayne intii xukuumadaadu dhalatay shacabku waxaa ka qaaday Sicir Barar, Amni Xumo, Dhaqaale Xumo,Qabyaalad, Cadaalad daro, iyo Somaliland oo kusoo ururtay magaalada Hargeysa, Madaxwayne noloshii aasaasiga ahayd ee bulshada waxba umaad soo kordhin ee waxaad ku faantaan Xafiisyadiina iyo guryihiina sida wacan ee quruxda leh u dhisan.Madaxwayne Shacabkii kusoo doortay way kugu hungoobeen qodobadaasi aan sheegay oo aanad kasoo bixi dartood Markaa madaxwayne Is Casil.
Qalinkii Ilyas Dable