Dalkan 25 jirsaday ee Somaliland waxaa uu ka curtay ururkii xornimo-doonka soomaaliyeed ee SNM, waxaa gardaadiyey AUN Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur ) madaxwaynihii u horeeyay ee Somaliland, waxaa socod Baray AUN, Aabihii dimuqraadiyada Somaliland oo ka dhigay waddan wax-walba la qaybsan kara bulshooyinka dunida, Waxaa hogaan uga dambeeyay Marxuum Cigaal Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo hirgaliyay, korna u qaaday sumcada,nabada iyo doorashooyinka xorta ee ay somaliland maanta ugu faanto dunida, inteeda badana indhaha caalamku ay aad ugu soo jeesteen markii madaxwayne Daahir Rayaale ku wareejiyay Kursiga ugu sareeya dalka iyadoo ay qaarada Afrika ku yartahay madaxwayne Xilka wareejiya isagoo laga guuleystay.
Madaxwayne Riyaale waxaa badalay oo xilka kala wareegay madaxwayne Siilaanyo oo in ka badan afartan sano siyaasada somaliya ku jiray islamarkaana usoo taagnaa xukuumadihii wanaagsanaa ee somaliya iyo xiliyadii qadhaadhaa ee Soomaaliya soo martay kana soo gudubtay.
Madaxwayne Siilaanyo waxaa uu Tamar iyo maal badan ku bixiyay sidii uu mar uun Somaliland madax uga noqon lahaa, isagoo markii dambe ku guuleyso inuu ka taliyo kursiga ugu sareeya Somaliland, Siilaanyo waa aqoonyahay khabiir ku ah cilmiga dhaqaalaha balse aan baran aqoonta siyaasada, haseyeeshee mudo badan oo uu kusoo jiray saaxada siyaasada waxaa uu bartay casharo iyo waayo-aragnimo uu ka helay madaxdii soomaaliyeed ee uga khibrada badnaa dhinaca hogaanka oo aynu ka xusi karno, Madaxwayne Cigaal, iyo madaxwaynihii hore ee Jamhuuriyada Somaliya Ahaana xoghayihii xisbiga kacaanka hanti wadaaga Jaalle Maxamed Siyaad Barre.
1:Madaxwayne Siilaanyo markii loo dhaariyey xilka waxaa uu u tafaxaytay sidii uu waddankan yar ee ka go’doonsan dunida intee kale ugu raadin lahaa aqoonsi islamarkaana ay ka mid noqon lahayd waddamada calankoodu ka taaganyahay jimciyada quruumaha ka dhaxey ee qaramada midoobay, Hadaba Madaxwayne Siilaanyo isagoo ku hawlan in mar uun Somaliland aqoonsi ka hesho beesha caalamka waxaa uu dadaal badan galiyey in dastuurka la badalo oo wadahadal toos ah lala yeesho dawlada taagta daran ee ka dhisan Magaalada Muqdisho oo aanay Somaliland markii hore ka qaybgali jirin meel lagu hadal hayo dawlada somaliya.
Golaha wakiilada Somaliland oo aan ka fiirsan dastuurka la badalayo ayaa cod gacantaaga ku meelmariyay in dawlada Somaliland wadahadal kaga go’do dawlada somaliya, Madaxwaynuhu maalintaasi waxaa uu qarankan ka galay dambi aanay ka galin madaxwayne-yaashii ka horeeyay oo ay aad iskaga ilaaliyeen maamulka Muqdisho iyo dawlada Xamar.
Tan iyo markii xukuumada madaxwayne Siilaanyo baarlamaanka Somaliland u ogolaaday in lala hadlo Somaliya waxaa isa soo tarayay hamiga iyo hiigsiga dawlada somaliya ka qabto in dib ay u midoobaan laba dawladood ee isku tagay 1960kii ee aanay Somaliland ka helin saamigii ay ku lahayd dawladii Jamhuuriyada Soomaaliyeed. Iyadoo ay Somaliland go’aansatay in Somaliya wadahadal toos ah lala galo, hadana waxaa aynu ognahay in madaxwaynaha Somaliya Kitaabka qur’aanka gacanta ku saaray in dawlada somaliya oo Mid ah uu madaxwayne u noqon doono, Innagu iyadoo aynu nafaheena been u sheegayno ayaynu isku maaweelinaa somaliya ayaa inoo ogolaanaysa inaanu noqono Waddan ka madaxbanaan Dawlada ka dhisan Xamar.
2:Madaxwayne Siilaanyo khaladka labaad ee uu dalkan ka galay waa markii uu ogolaaday in muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta reer Somaliland ay ka qaybgali karaan shirarka lagaga hadlayo danaha soomaalida iyadoo aynu ognahay inta masuul ee xukuumada madaxwayne Siilaanyo ka tirsan ee ka qaybgalay shirar daafaha caalamka ka dhacay oo lagu soo marti qaaday maamulada ka jira soomaaliya, Tusaale hadii aanu usoo qaadano shirkii Holland ka dhacay dabayaaqadii sanadkii hore ee uu ka qaybgalay wasiirka warshadaha Somaliland, waxaa kale oo xusuus innagaga filan shirkii saxaafada somaliya ee ay ka qaybgaleen suxufiyiinya matalaysay Somaliland, islamarkaana Maamulka Muqdisho ay ku taamayeen in saxaafada Somaliland fadhido shirka lagu ansixinayo xeerka saxaafada Somaliya, madaxwayne Siilaanyo talaabooyinkaasi kamuu qaadin ciqaabtii ku habooneyd ee shacabka reer Somaliland ka sugayeen inuu qaado.Kadib dhalashadiii xukuumada Madaxwayne Siilaanyo waxaa batay siyaasiyiinta sida dhibta yar u tagaya dawlada Federaalka Somaliya ee ku shaqo tagaya magaca Somaliland islamarkaana sheeganaya magaca Umad dal xor ah oo maamul iyo dawladba leh, Siyaasiyiintaasi dambiga qaranka ka galay madaxwayne Siilaanyo waxaa uu abaal uga dhigay inuu cafiyo oo uu hadyad uga dhigo xilal ay u qabtaan bulshadii ay marka hore qaranimadeeda duudsiyeen,Tusaale yar, wasiirka cadaalada Somaliland iyo wasiir dawlaha xanaanada xoolaha Somaliland waxay ka mid yihiin siyaasiyiinta Xamar tagay markay ku qanci waayeen qaranimada Somaliland,
Madaxwayne Siilaanyo wax go’aan ah kama qaato siyaasiyiinta qarankan danbiga ka galay sharcigu ma qabto, in la ciqaabo iska dhaafe waxaa loogu daraa laaluusha iyo Baad ay ka qatanyihiin shacabka tabaalaysan ee aan waxba haysan cashuurtoodana lagu Ciyaaro ee aan loo haysan in ay dalka iyo umad dhan dastuur ay dhigteen Baalmareen oo ay jabiyeen Axdi Qarameed ay u codeysay 97% shacabka reer Somaliland, Madaxwaynuhu ma wuxuu ilaabay ama ilduufay inay ragani yihiin kuwii qaranka danbiga ka galay, mise waxaanu ogeyn in danbiile qaran xukunkiisu dil yahay.
3:Madaxwayne Siilaanyo waxaa uu khalad saddexaad ka galay bulshadiisa iyo Qaranka, kadib markii uu furey ururada siyaasada ee Somaliland oo la ogaa wixii ka dalka ka dhacay, Furitaan ururada siyaasadu waxay shacabka reer Somaliland u kala qaybiyeen qabiilo aan hore u jirin markii uu qabiil walba iyo ninkasta oo maal yar haysyaba isku dayay inuu lasoo baxo xisbi qaran oo tartama hogaaminta dalkan, Waxaa soo baxay saddex xisbi oo kala ah, KULMIYE, WADDANI Iyo UCID, Kulmiye waxaa ku heshiiyay laba qabiil, Waddani waxaa iska Qabiil kaliya, UCIDna, Ninbaa leh, balse markii hore xisbiyadu sidaasi ma aheyn ee siyaasad ayaa loo gali jiray ee reer muu gali jirin xisbi.
Waxaa iyana jirta in wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancade uu xafiiska jinsiyadaha ee dawlada Federaalka Somaliya uu ka codsaday in xafiis looga furo magaalada Hargeysa oo ay shacabka reer Somaliland qaataan baasaaboorka Somaliland innaga oo leh, Lacag, Basaaboor iyo calan inoo gaara, waxaa wasiirku yidhi Somaliland kama maarmayso baasaaboorka Somaliya, Madaxwayne Maxaynu uga baahanahay Baasaaboorka Somaliya? Sawnagii ka Go’nay? Ma dib ayaynu u midownay? Mise Somaliya ayaa idin kala waynaatay baasaaboorka waddanka 25jirsaday? Madaxwane Su’aalahan waxaa u baahan inaad uga Jawaabto shacbigii kusoo doortay ee ay ku dhisantahay Somaliland…. Madaxwayne Dadkaaga ayaa kuu baahan inaad la hadasho oo aad uga waran qadiyada Somaliland maadaama madmadow badan hadheeyay jiritaankii Somaliland,,,,, Madaxwayne Dadkaad madaxwayne u tahay ee uma tihid inta aad maalin walba aragto ee quruxda badan ee gawaadhida wanaagsan, ,,,,,Madaxwayne adigaa u madaxwayne ah kuwa bisadaha ku qalanaya gurri Hal kilo mitir u jira gurigaad umada uga taliso,,,,,, Madaxwayne Dadkaaga wax ka maqal oo la sheekayso. Waari mayside war hakaa Hadho Madaxwayne.
Tallo iyo Tilmaan…………..
W/Q:Ilyas Abdi Ali
Facebook: Ilyas Abdi
Email.Ilyasdable1994@Gmail.com
Hargeysa/Somaliland