WAJAALE NEWS

Gudida Qabanqaabada Shirweynaha Ururka Qareenada Somaliland Oo Shaaciyay In Dib Loo Dhigay Mudadii Shirka Loo Qabtey

Xubnaha Gudida oo maanta kulan ku yeeshay Xarunta Ururka Qareenada Somaliland ee Hargeysa waxa ay isku waafaqeen

Hargeysa(W.N)-Xubnaha Gudida qabanqaabada Shirweynaha Shanaad ee Ururka qareenada Somaliland ee(Solla), oo ka kooban lix xubnood ayaa goaamiyey in dib loo dhigo mudadii hore loogu cayimey in uu ku qabsoomo Shirweynaha afraad ee Qareenada Somalilad.

Xubnaha Gudida oo maanta kulan ku yeeshay Xarunta Ururka Qareenada Somaliland ee Hargeysa waxa ay isku waafaqeen in mudadii Shirweynaha loo cayimey dib loo dhigo duruufo badan oo jira awgood,mudadaas oo ku beegneyd 30/3/2016 islamarkaana dib loogu riixey in kulan dambe oo ay Xubnaha Gudidu kaga tashadaan lagu soo sheegi doono. Qoraal arintaa ku sahabsan oo ay soo gaadhsiyeen Shabakada Warara Hadhwanaagnews iyadoo dhameys tiran waxa ay u dhigneyd Sidan:

Jamhuuriadda                    Somaliland

Ururka Qareenada Somaliland  Somaliland Lawyer’s Association

dhamaan warbaahinta madaxa banaan

 

OGAYSIIS MUHIIM AH

Shir ay  iskugu yimadeen guddida qaban- qaabada Shirwaynaha  (5) shanaad e urur qarenada Somaliland e Solla shirkaasi oo ka qabsoomay, xarunta ururka qarenada gaar ahaan hoolka shirarka oo manta oo tarikhdu tahay 20/3/2016 ku qabsoomay kana soo xaadireen xubno ka kooban lix xubnood oo ka mid ah xubnaha guddida qaban-qaabada oo

ka kooban 7 xubnood waxaa shirkan ka soo xadiray 6 xubnood oo kala

1) Jaamac  Cilmi  Xaashi                   Guddomiye

2) C/naasir Maxamuud Shire

3) Jaamac Cali Ismaciil

4) Deeqa Xasan Axmed

5) Aamain Xasan Cismaan

6) Mohamed Mohamoud Hashi

Lixdan xubnood oo soo xaadiray shirkan oo ajandihiisu ahaa dib u eegis muddada shirka la qabtay e ahayd 30/3/2016  taasi oo ay guddida ku falaqaynaysay muddada ay hore guddidu u qabatay  e ah 30/3/2016 muddadasi oo ah muddo aad u dhow cidhiidhina ku ah howlaha loo baahanyahay in la qabto, kuwaasi oo ay ka midyihiin dhaqaalihii shirwaynaha lagu qaban lahaa iyo xeerarkii ururka oo wax ka badel iyo kaabisba u baahnaa, sidoo kale aan ilaa hadda la isla xaqiijin liisaska xubnaha qarenada e ka qayb-galaya shirwaynaha ururka qarenada ,kuwaasi oo ay ka midyihiin ergooyinka ka imanaya gobolada oo aan liisaskoodii la xaqiijin, Sidoo kalena aan ilaa hadda guddida la horkeenin lacagtii lagu qabanayey shirwaynaha  iyo guddidii wax ka badalka xeerka oo aan wali bilaabin wax ka badalkii xeerarka qabyo waynina ka jirto,

Markii ay guddidu xaqiiqsatay in loo baahanyahay in la qabto shirwayne xalaal ah oo aan mad-madow ku jirinMarkay aragtay waayo-aragnimadii hore e ay xubnaha guddidani ka heleen shirwayneyashii hore e ururka Markay aragtay in loo baahanyahay in la dhiso xeerarka iyo xeer-nidaamiyeyaasha ururka

Markay arkeen duruufaha ku xeeran shirwaynahan waxa uga soo baxday oo ay xaqiiqsadeen inaan shirkan la qaban Karin muddadan 10 cisho ah guddahooda loona baahanyahay in la helo muddo ka badan oo ,lagu saxayo nidaamka ururka  waxaanay  dib u dhigeen muddadii hore ee ay guddida qaban qaabadu hore u qabatay waxaanu halkan xunaha  guddida qaban-qaabadu ku ogaysiinayaan dhamaan qareenada Somaliland gobolada iyo degmooyinba in shirkii guddida qaban qaabada dib loo dhigay ilaa fadhi danbe ay guddidu isku imanayso oo lagu dhawaaqayo muddada shirku ku qabsoomi karo.

 

ALLah   Mahad   Leh

 

Exit mobile version