WAJAALE NEWS

Faro Galinta Muuse Biixi Ee Saldanada Subeer-Awal Oo Seeska u Dhigtay Isburinta Siyaasadiisa Iyo Muquurashada Xubnahii Magaca Lahaa Ee Haldoorka Sacad Muuse.

 Hargeysa(Wajaalenews)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye  Muuse Biixi Cabdi ayaa, Kulankii uu soo abaabuley oo dhicis ahi ku qabsoomay Huteelka Green-palace ee Magaalada Hargeysa halkaas oo ay gaashaanka u daruureen badiba Waxgaradkii haldoorkii, Madaxdhaqameedkii, iyo Aqoonyahankii Beelaha Sacad Muuse, marka laga reebo Oday Xasan Cali-Weyd, Maageer iyo Odoyaal kale oo raaska Muuse Biixi Ku Kooban.

Xafladan oo aheyd mid dhagareysan sidii caadada u aheyd (Munaasibadaha Muuse Biixi Qaaxo-ilaa Hargeysa) oo ay ilaalinayeen Kumanaan kamid ah Ciidamada Madaxtooyada iyo Booliska Saldhigyada Hargeysa ayaa, guud ahaanba aan u dhicn Sidii loogu talagaley kadib markii ay ka muquurteen Boqolaal Qof oo kamid ah haldoorka Beesha Sacad-Muuse ee uu habeenkii xaley ahaa Kaadhadhka u qeybiyay Mukhalaska Cali-Gobanimo waxaana lagu galbiyay wiil dhalinyaro ah oo uu muquuniyay Muuse Biixi Cabdi kaas oo uu ku sheegayo inuu ku badelay Suldaankii Guud ee Beesha Subeer-Awal oo aan ku koobneyn Sacad Muuse oo kaliya haseyeeshee ka dhexeysa Beelaha Subeer-wal.

Inkastoo fajac amakaag afkalaqaad iyo yaab ku noqotey Bulshada Somaliland oo dhan iyo dadka Beelaha Sacad-Muuse iyo Subeer-Awal ee indhawaale qaarkood taageersanaayeen hadana bilow ilaa dhamaad Munaasibadani wajigabax ku noqotey Muuse Biixi iyo Xulafadiisa hadana waxa aan laga tageyn hadalheynta Dadweynaha Reer Somaliland iyo Rayulcaamka Suuqyada Hargeysa la isla dhex marayey maanta taas oo qofkastaaba ku tilmaamay in Mijir Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Xafladaa ku gawracey Murashaximadiisii Jujuubka aheyd, ee awooda Aamina Waris loogu cumaamadey Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

  Saldanada Subeer-Awal oo ah  saldanaha ugu faca  wayn Somaliland ee Soo raacda Garaad Cali-Shire Suldaan GDiiriye iyo Suldaan Diiriyihii Subeer-Awal oo soo taxnayd tan iyo xiliyadii dawladihii gumaystayaasha ahaa ee Soomaray gayiga Soomaalidu Degto,waxaana ogaal u ahaa Dawladihii Cusmaaniyiinta,Talyaaniga,ingiriiska,Dawladii Dhexee Somaliya iyo Somaliand oo Dhamaantood ba Kaalin muhiim ah ay u ahayd saldanada subeer Awal,waxaana kala dhaxlay  Suldaan ilaa garaad oo dhamaantood ula kala wareegay xilka sidii loo qorsheyay.

 

 

Wajaalenews  Desk

Hargeysa Office   

Exit mobile version