WAJAALE NEWS

DAAWO:Khasaare Nafeed Oo Ka Dhashay Dagaal Bada Ku Dhexmaray Ciidamada Somaliland Iyo Dawlada Jabuuti

Saylac(WJN):- Ciidanka ilaalada xeebaha Jabuuti ayaa Dilay hal askari oo ka tirsan Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland kadib markii dagaal ku dhex maray Jasiiradda Ceebaad ee u dhaxaysa labada Dal.

Sidoo kale, waxa la soo sheegayaa dagaalkaas in uu askari kale kaga dhaawacmay ciidanka Somaliland, illaa hadana wararka laga helayaa waxay sheegayaan inay xiisada ka dhex dhalata labada ciidan taagan tahay.

Warar kale ayaa sheegaya Ciidamadda Somaliland inay goobta u tageen maraakiib iyo Doonyo Jabuuti laga leeyahay oo goobta ka kalluumaysanayey oo ay ka hortageen.

Halkan Ka Daawo Warkaas Oo Faahfaahsan

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version