Zambia (Wajaalenews) -Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Zambia, ayaa shaacisay inay aqbashay oo Dalkeeda lagu gali karo Baasaaboorka Somaliland.
Laanta Socdaalka ee Jamhuuriyadda Zambia, ayaa barta ay Internetka ku leedahay ee laga codsado Fiisaha ama Dal-ku-galka Zambia ku baahisay Liis lagu soo ururiyey Dalal Somaliland ku jirto oo la ogolaaday inay Baasaaboorradooda ku tagi karaan Zambia isla-markaana loo fiiseynayo.
Barta internetka ee laga xareeyo ama laga cadsado fiisayaasha Electroniga ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhammaan Waddamada Zambia ay u ogashahay fiisaha dalku gal waxaana ku jirta liiskaasi Jamhuuriyadda Somaliland.
Dalka Zambia oo ku yaalla Koonfurta Qaaradda Afrika isla-markaana ka mid Waddamada horumarka sameynaya ayaa noqonaya Waddankii shanaad ee aqbala in lagu galo Baasaaboorka Somaliland oo aan aqoonsi ka haysan Waddamada Caalamka.
Baasaaboorka Somaliland waxa hore u ogolaa Dalalka Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta.