WAJAALE NEWS

Halkan Ka Akhri Maansada “Colka Maad Hakisaan”! Abwaan Cabdiraxmaan Abees.

Ma adeegto culuumo.

Dhibta Taala Cummaan Iyo

Cadan Bay ka Gubteenoo

Imaaraadka Carbeedyo

Gadar Baa Badh Casuuntoo!! Abwaan Abees

Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo kamida hal abuurka da,Dayar ee Reer Somaliland, Dhawaana koox abwaano ah oo uu kamid yahay safar nabadeed ku tageen gobolka sanaag iyo deegaanada ay dirirtu ku dhex martay beelaha walaalaha ee Ceel afwayn ayaa maanso uu kaga hadlayo dhibta colaada Tiriyay taasi oo kusoo Bandhigay Munaasibad ay dhawaan ku Qabteen Magaalada Hargaysa

HALKAN KA AKHRI MAANSADA COLKA MAAD HAKISAAN;

Waladkii Cabdillaahi

Caadil uu ka abuurow

Dar uun baa ku cataaba

Hal-abuurku codkiisa

Kuma sheego ciwaanko

Doorkiisii ma ciyaaro

Maalintay dhan u ciirtee

Caymiskeedu adkaado

Imikaanse caroogga

Caadka aan kaga qaadi

In Abwaanku cartiisa

Amintiisa cad goosto

Uu caddeeyo midhkiisa

Niman baa ku caweeya

Dayaxoo caga saaray

Hanku uu cirka geeyoo

La faqaaya cadceedda

Anigaase camuudda

Dhex ciftoo kici waayay,

Markii aan cilmi waayay

Ka carceera habaaska

Ayaan ciiddiyo boodhka

Dhoobadeeda cantuugay,

Caydhiiba Afrikaanka

Caqligii talinaayiyo

Curintii ka asiibtay.

Casar jiif ma haleelo

Xil nimuu ku cuslaaday

Ceebta saaran dushiinnoo

Waa canbaar igu taalle

Idinkoo ah cashiiro

Cad qudhoo isku yaalla

Cidna oodda wadaaga

Cududdiinniyo xoogga

Idinkoon isku ceejin

Ilaahay ka cabsooda!

Ciidanka is hor-joogee

Labadii cisho maalin

Qoryo caarada yuuban

Soo cabbaysanayaana

Waa xigaal isku cayn ah

Lafta jiidhka cidhiidhsha

Bahyo caayilad gaara

Iska daa col is maage

Kuwii maaha canaan

Cadho eegga dhexdooda

Cunfi soo gelilaaye

Ilaahay ka cabsooda!

Ceel-afweyn taladeeda

Looma caal-heli waayin

Cuqdad weyna ma taalle

Ciriqaan la abbaarin.

Intaan caanuhu gaadhin

Dhiilka waa la culaaye

Haddaa waan la cidaadin

Caabuqaa bogsan waayay

Digtoor kii cudurkaasi

Caafimaadka shahaado

Cilmigeeda lahaa iyo

Dawladdaa caga-jiidday

Cilladdii fahmi weyday

Waxaa loo calmadaa xal

Ciddii aan garanaynnin,

Xuub caara sidaheeda

Rag ku caabbiyayaa

Xaajo buur ka cuslayde

Cadli ruuxa u baahan

Hadduu waayo caddaalad

Cuqubaa kala riixda

Cindanaanta sokeeyee

Maamulkow cabbirkaagu

Hadduu hoos u yar ciiro

Ama caadifad guuro

Qaran buu caddibaaye

Haddii cuur is danqaabay

Gar-soor caasha mid saaro

Kama baaqdo cadaabe

Dulmi hawgu cad soorin

Cabbaar raadi xogtooda

Si go’aanka calool-San

Cid walbaa ku guddoonto.

Ceel Afwayn talladeeda

Cuqaashii gali laydna

Casiiska badi hooyay

Aakhiray u carrowday

Dhawrka caawa ka joogee

Naga caawin lahaana

La cawlnaade dadkiiyoo

Caad ay gaalo samaysiyo

Ceeryaan baa qarinaysa

Casriga dhaqan diiday,

Suldaan cayda yaqaaniyo

Coofle aan danahaagiyo

Duruuftaadu cuslaynoo

Caleentii garan waagiyo

Caano baas isku saydhoo

Cumaamad weyn iska qaatay

Oo wuxuun canbabuusaa

Amnigaaga carsheeyoo

Dhawr caantayn noloshaada

Dhaafsanaya calaashi,

Siyaasaa caddilaaya

Haddaa caynkiyo baydda

Cuyub kuugu wareeja

Ciil-qabaa arrinkaaga

Candadowl ka dhigaaya,

Ma adeegto culuumo

Dhibta taala Cummaan iyo

Cadan bay ka gubteenoo

Imaaraadka Carbeedyo

Gadar baa badh casuuntoo

Dawo ciin lagga qooshiyo

Shiidal laygu cammeeyiyo

Hantay caydhsanayaanoo

Culuuntoodu ma dhaafo

Cashar laygu qasaayiyo

Cudur-daarka dantooda.

Tixdii caanka ahayde

“Waar tolow colka jooja”

Salaan saw carrabkiisa

Geeraarku curinaayey

Colaaddaa kuma baajin

Cafisna layskuma siinin

Nimankaasi ciseeye

Abwaankii ku cabeebtay

Oo taariikhda calaamad

Cuddoon bay geliyeene

Candhaba waa ku raggeede

Adna sheego caqiibo

Oo codkayga adeeca

Oo ka baaqda colaadda

Cadaab uu daba yaallo.

 

Ana hayga canaadin

Sooyaalkan cidhifkayga

Islahaa cusko baale.

Raggii ciidmi lahaa iyo

Saw Cawaale Ayaanle

Kama cuurannin haaddu,

Curadkii hana-qaada

Adaa geeri cunsiiya

Cibro kuuma siyaaddo

Kama caagganid dhiillo

Shalay qaar ku ciyaartay

Wedka qaar ku casuuntay

Qaar kalaad calafkooda

Ka “carraabi” isleeday

Mana eegtid cawaaqib

Cirir fuula korkaaga.

Sida caanaha geela

Dhiig haddaad u cantuugto

Cabbanaanta kashaada

Cindigaan xasilaynnin

Oo tagaaya cir-jiidha

Intaad caasido Eebbe

Libi kuu curanmaysee

Colkaa maad hakisaan!

 

Ragyow caadkiyo baadka

Ilmadaa canka dhaaftay

Cadradeenniyo Hooyoo

Raran bay cagahoodii

Cagaagnaan ku hayaan’e

Colkaa maad hakisaan!

Cunuggaagan iskuulkiyo

Aqoontii ka curyaamay

Hala loolo ciyaalkee

Colkaa maad hakisaan!

Cidhibtiinna danbaysiyo

Rejuu ceel ku ridaaye

Cawayskii mid wax toogtay

Haddaydaan curduduubin

Ciqaabtiisa marsiinnin

Colaaddu ka hadhimaysee

Colkaa maad hakisaan!

Adigoo codcod buuxoo

Cuudka haysta dareera

Haw caruusin belaayo,

Caam ahaan idinkoo dhan

Amnaa caano macaane

Nabada maad cugataan

Ilaahay ka cabsoodoo

Colka joojiya maanta.

Is haarankiyo ciilka

Caloolyowga gubaaya

Kal cidhiidhi dareentay

Cibaadadaa ku yarayde

Cabsidaada Ilaahow

Casiisow nagu biiri

Cishada yoomal qiyaame

Soo dhawayso cadceedda

Caadil nooga samee hadh.

ABWAAN Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Abees)

Exit mobile version