Waxaana mudaharaadadan ka dhacayay degmada lagaga soo hor jeeday wareejinta buurta qaras goo ee ku caanka ah macdanta oo sida la sheegay ay xukumada Somaliland ku wareejisay ganacsade carbeed oo kasoo jeeda dalka Kuwait, Isagoona mudaharaadkani socday muddo laba casho ah ayaa warar ay helayso shabakada Wararka ee Ramaasnews ay sheegayaan inay shacabka degmada sheikh ay mar sadexaaad wadaan abaabulka mudaharaad kale oo lagaga soo horjeedo wareejintaasi, balse ciidamo tiro badan lagu daadiyay degmada sheikh iyo waliba buurta qaras goo.
Mudaharaadkan oo sida la ogyahay sababin wax khasaare ah marka laga reebo dhaawac fudud oo soo gaadhay mid kamida ciidamada degmada sheikh ayaa ay xukumada Somaliland gabi ahaanba afka daboolka ka saaratay inay ka hadlaan shaqaaqadanni.
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed waran cadde iyo maamulka gobolka saaxil ayaan iyagu marnaba ka hadlin shaqaaqadan iyo waxa sababay madaama ay ka masuul yihiin amniga dalka iyo gobolka saaxil labadaba, iyadoona ay bulshadu is waydiinayso waa maxay sababta ay uga aamusan yihiin xukumada mudaharaadadan ka socda degmada sheikh.
Waiye: Abdulkadir Habane
Wajaalenews.net
Hargeisa Office