WAJAALE NEWS

Xildhibaan Katirsan Golaha Deeganka Hargaysa Oo Xadhig Iyo Tacadi kula kacay Mid Kamida Shaqaalaha Hotel Lake Asal Iyo Xogaha Ku Lamaan.

HARGAYSA(Wajaalenews) Tan iyo mudadii la doortay xildhibaanada golaha deegaanka ee caasimada hargaysa ayaa marba marka ka danbaysa waxaa kasoo baxay ficilo ka dhan ah shacabkii soo doortay ismarkaana ka dhigay in ay bulshadu ka quustaan wax qabad daayoo sidoo kale waxay ehel u noqdeen ku tacadi bulshada danyarta ah ee nolol maalmeedkooda kala soo baxa wadooyinka agagaarkooda halka ay dhulka danta guud ahna ku laaluushaan madaxda dawlada dhexe iyo dad qurba joog ah.

Hadaba Mid ka mid ah Xildhibaanada golaha deegaanka ee caasimada Hargaysa Oo lagu magacaabo Xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Xasan Shahar)  Kanamid ah xildhibaanadii kasoo baxay xisbiga kumiye oo uu isagu noqday qofkii ugu horeeyay ee kusoo gala kadib dhimashadii maayarkii hore caasimada MARXUUM YUUSUF WARSAME ayaa ku kacay fal sharciga baalmarsan kaasi  oo  awood ciidan u adeegsaday   mid kamid ah shaqaalaha Lake Asal Hotel ee magaalada Hargaisa oo markii danbana u taxaabay Saldhiga  mudo  uu ku xidhanaa.

Sida dad goob jooge ahi u xaqiijiyeen shabakada wararka ee wajaalenews ayaa  sheegay in dhacdadan oo dhacday maalintii khamiistii kadib markii xildhibaanka uu lacagtii uu isticmaalay uu waydiiay  CASHEIRKA huteelku  islamarkaana ku war galiyay in uu bixiyo  xidhibaanku  halka ugu jawaabay in uu u siihayo qalab u sitay inta uu lacagta u  keenayo   balse markii xildhibaan xasan shahar soo noqday uu watay ciidan kuna amray in ay u xidhaan halkaasina xabsiga loogu taxaabay ninkii shaqadiisa watay,

sidoo kale xogahan ayaa tibaaxay in cidamada xildibaanku watay buuq iyo cago jugay galiyeen dadkii ku sugnaa huteelka.

mudo kadib ayaa la sheegay in waan waan ay  xildhibaano kamida golaha deegaanku galeen lagu soo daayay wiilkan shaqaalaha ah.

Dhanka kale xildhibaanka oo aanu isku daynay in waxka waydiino ayaanay noo suurto galin in aanu helno kadib markii telfankiisii gacantu xidhnaa,

Si kastaba ha ahaatee dadka masaakiinta ah ayaa khaati ka taagan golaha deegaanka ee ay doortaan oo ka sokow burburinta meheradaha kala kulma tacadiyo loo adeegsado shaadh dawladeed balse nasiib daro aanay cidina kala xisaabtamin masuuliyiintaas shacabka u isticmaalaya shaadh dawladeed.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version