MUQDISHO(Wajaalenews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay weerarkii Talaadadii lagu qaaday diyaaradda Daallo Airlines, ayaa waxaa uu sheegay inaanan wax cudurdaar ah loo samayn doonin dhammaan dadka ku lugta leh weerarkaasi.
Madaxweynaha, ayaa sheegay inay jiraan tuhuno waawayn oo ka dhashay qaraxaasi, cid kasta oo ku lug yeelatana lala tiigsan doono cadaaladda, si waxa uu sharcigu ka qabo loogu qaado.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in askariga ku shaqada leh amniga ee ka gaabiyay inuu guto waajibaadkiisa shaqo, aan la dhaafi doonin, xitaa haddii aanu wax shaqo ihi ku lahayn qaraxaasi.
Madaxweynaha oo Isniintii ka hor hadlaayay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa tibaaxay in la yaqaano dhammaan inta ku lugta leh qaraxaasi, hadana uu socdo baaritaano ku aadan falkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo hadalqaaday weerarada dalka ka dhacaaya, ayaa sheegay inay yihiin wax yar, marka loo eeggo falalka argagaxiso ee ay fashilinayaan laamaha ammaanka.
Madaxweyne Xasan, ayaa intaa raaciyay in Dowladda Somaliya ay wado qorshe ay ku dooneyso in siyaasad cad ay kaga yeelato arrimaha amniga, sida qiimeen lagu sameeyo halista ku soo foolka leh Qaranka.
Hay’adaha amniga, ayaa in ka badan labaatan qof u soo xir xiray qaraxa ka dhex dhacay mid ka mid ah diyaaradaha, ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines.