WAJAALE NEWS

HAY’ADDA CIA Oo Sheegtay In Kooxda Islaamiga ISIS Ee Siiriya ka Dagaallanta Haysato HUB Kiimiko ah.

Washington(Wajaalenews)— Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Dalka Mareykanka ee CIA-da, John Brennan ayaa Maanta sheegay in Kooxda Islaamiga ah ISIS ee Suuriya ka dagaalanta ay isticmaaleen Hubka Kiimikada ah.

Brennan ayaa sheegay inay jiraan dhowr Xaaladood oo muujinaya in ISIS ay isticmaashay hubka kiimikada ah, waxaana hadalkan uu ku sheegay wareysi uu siiyay Telefishinka CBS ee faadhigiisu yahay dalka Mareykanka.

Sidoo kale, Brennan ayaa wareysigiisa ku sheegay in kooxdan Jihaad-doonka ah ay awood u leedahay inay sameysato Hubka Kiimikada Dagaallada loo Adeegsado, kaasoo sida xun u waxyeelleeya bani’aadamka iyo deegaanka.

“Waxaa Suuro-gal ah in kooxda Daacish ay Hubka Kiimikada ah ee ay sameysato ay u iib-geyso dalalka Reer Galbeedka,” ayuu hadalkiisa ku yiri Agaasimaaha CIA-da Mareykanka, John Brennan. Isagoo ka digay qorshayaasha kooxda ISIS.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo horay ay waddamada quwadaha leh ee dunida ugu eedeeyeen Xukuumadda Bashar al-Assad ee Dalka Suuriya in sannadkii 2013-kii ay hubka Kiimikada ah u Adeegsadeen dagaalkii magaalada Dimishiiq ee Xarunta Suuriya.

Xukuumadda Al-Assad ayaa iska fogeysay eedeyntaas, waxayna ku sheegeen in ay tahay qorshe lagu doonayo in lagu bur-buriyo Xukuumadda Suuriya, inkastoo eedeyntaas aysan noqon mi sii socon.

Ugu dambeyn, Ururka Caalamka u qaablisan Mamnuucidda hubka Kiimikada ah ee OPCW ayaa horay uga digay dhinacyada ku hardamaya Suuriya inay u isticmaalaan dagaalladooda hubka Kiimikada ah, taasoo hay’adu ay sheegtay inuu ka hor-imaanayo sharciyada u yaalla Dunida.

 

Exit mobile version