Alle ma jecla dulmiga haddii duul dulmigu ku bato oo masaakinta la dulmiyo nimcada ilaahay way yaraadaan, bal aynu eegno wuxuu
Waa iska xaal adduun burburinta laftigeedu oo wakhtigaa sidaa ina baday lakin noloshu sidaa uun ahaan mayso (danyareey) wakhtiga ayaa is badali doona dhawaan isha Allaa faraj khayr qaba ayuu ilahay inoogu badali isagaa wayne , dulmiga ilaahay ma jecla waxaa Hargeisa maanta ka socdaana waa dulmi si cad loo abaarayo meelo gaara ama meherado gaara , Alle ma jecla dulmiga haddii duul dulmigu ku bato oo masaakinta la dulmiyo nimcada ilaahay way yaraadaan, bal aynu eegno wuxuu ka yidhi Abwaankii waynaa ee timo cade markuu qofku qabyaalda iyo dulmi iyo dhago adayg isku darsado Gabaygii ( Dugsi ma leh qabyaaladi waxay Dumiso Mooyane )
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso
mooyaane
Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa Dix dhagaxeede
Anuunbaa danqanayee dhaguhu uma daloolaane
Duqaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dafoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye
Bilicdu ma maanta un baa la xasuusta soo kii golaha deeganku joogay muddo saddex sanno ah , haddaad tihiin dad bilic iyo qurux ka fikiraya ma maanta ayay idinla qurux badnaatay , iyadoo dalka abaaro iyo dhibaatoyin ka jiraan mida kale duqu wuxuu waddaa waxaa weeyi sheeko kale , wuxuu ka dagaalamay gacanta sagalaad , lakin wakhtigani maaha wakhti aan lays fahmayn, wuu dareemi karaa qofkasta oo aqli saliim ahi cidaad la dagaalamayso, waa mid nusqaana inaad la dagaalanto xisbigii halkaa ku gaadhsiiyay ee ka dhigay xildhibaan ilaa mayor ,
Waa yaab dalka aynu ognahay siduu yahay dhaqaale ahaan ayuu mayorkuna dalbaday gawadhida raaxada ee magaaloyinka lagu damaashado , wuxuu ku riyooday Hargeisa oo gawadhida noocas oo kale ah lagu xaragoodo wuxuu iloobay in magaladu boodh iyo waddooyin burbursani jiraan , mida kale wakhtigani maaha wakhtigii danyarta inta la burburiyo haddana gawadhi noocas oo kale lagu hor marmari karo , ma heerkaa ayuu gaadhay dulmigii iyo isku wiirsigii , Abdirahman ma ilaa intaas ayuu damirkii kaa maqan yahay , waxaasi waa xaraanta kugu badatay , duco ayaad u baahan tahay
La soco
Name: Hamse Abdisamad
Hamseabdi@gamail.com