WAJAALE NEWS

Sanad Baa Hadhaye Sanduuqyada Buuxsada Dhulanka Wada-seesta Waa Sidaad Garateene!.

Boobka dahsoon ee aan hadana la dadi karin dadku inuu ogyahay Alla yaa Duulka u Sheega

Wax waliba qiso ayaa keenta in bulasho is weydiiso hadba wax aad loo hadal hayo. Somalilandna 3dii sanadood ee ugu dambeeyey waxa aad la isku weydiinayaa muqmaasuqa baahsan ee ku salaysan ‘ayaad taqaan’ iyo ‘ehel ma tihiin sawiirada awooda badan’. Waxa aynu xusuusanaa markii xukunka loo dhaariyey madaxweyne Siilaanyo in uu maalmo ka dib qaranka la soo horfadhiistay in uu dhisayo dawlad aad u kooban, sida uu ku dhaartayna dalka uu ku hagayo daacadnimo iyo hantida umada oo uu ilaaliyo.

Waxa kale oo aynu xusuusanaa in madaxweyne Siilaanyo inoo sheegay in qasnad madhan uu xukumadii Daahir Riyaale ka dhaxlay. Hase ahaatee mudadaa uu hayey xilka Siilaanyo dalku waxa uu yeeshay ilo cusub oo lacagi ku soo gasho, sida wada hadalada Somaalia

ee ay sheegaan oo la sheegay in ay ku heleen lacagp badan oo duudub loo siin lahaa Somaliya, balse qaybta Somaliland la siiyey. lacagtaasina waa ta maanta keentay inta la weecsado, haddana hantidii ma guuraanka ahayd ee qaranka iyadana laga lacageeyo, waxna sidooda oo loo bixiyo sifo sharci daro ah.

Hase ahaatee ta ugu halisan ee Somaliland maanta la wada dareemaya waa boobka hantida umada oo ay ku jirto boobka dhulka dawlada iyo goobo taariikhi ah oo sifo eex ah lagu bixiyey. Tusaale ahaan anigu waxaan daganahay xaafada boqol jire-da u dhow Miiska -Saraakiisha. waxaanan waligeyba ogaa cida iyo dadka maamula hutel-ka magaalada Hargeysa ku yaal ee kaliya ee qaranku lee yahay. waa Hargeisa Club. Waxa markii uu siilaanyo qabsaday isla maalmo ka dib lagu wareejiyey nin reer Burco ah oo ah dadkii markii hore taageeri jiray dawladii Riyaale, balse markan dhanka tolnimada laga arkay oo qaab qaaraaba kiil loogu dhiibay.

Hase ahaatee warka aan la yaabay waxa weeye ninka loo dhiibay Hargeysa Club oo isna u sii dhiibay nin ay seediyaal yihiin oo ku xidhan Wasiirka Madaxtooyada , ninkaas oo la sheegay in uu u shaqeeyo shirkad Maraykan ah oo dalka dibada ka jooga, balse lacagtiisu ay dalka qaab eexeed wax loogu iibiyey.

Ninkan oo magaciisa la ii gu sheegay Jamaal Xasan, sida nin kale oo isku reer Maraykan ahaayeen i sheegay oo Hargeysa jooga imika, waxa wasiirka madaxtooyada, Xirsi  Xasan Xaaji Cali ka dhaxeeya ganacsi aad u qarsoon oo dawlada dhexdeeda laga qanacsado, sida qandaraasyada, soo iibinta qalabada dawladu u baahato, sida cagaf cagafyada lagu dhiso wada Ceerigaabo oo kiro ugu jirta mashruuca oo lacag joogta ah loo xisaabiyo, wiishashka ka shaqeeya dekada Berbera oo ay wada lee yihiin iwm xili Reer Somaliland, siiba gobolada Saaxil wixii Galbeed ka xiga caruuta looga guro nusaacaha wada Ceerigaabo, ayey ragna u noqotay halo irmaan.

Waxa la sheegayaa  in ninkan lagu wareejiyey Hargeysa Club, isla markaana dhawaan duminaya si uu uga dhisto dhisme cusub oo hutel ah in uu yahay ninka ugu dhow wasiir Xirsi dadka Somaliland ee dibada jooga, waana ninka kali ah ee fura oo ay wadaagaan ganacsiga uu wakiil uga yahay Xirsi.
Markaa waxaan ku soo koobi lahaa sanad baa hadhaye sanduuqaydaa buuxsada , Dhulanka wada , Waa Sidaad garateene!

Axmed C. Ciise
Hargeysa, Somaliland

Exit mobile version