Guulwadayntii Wasiir Kuxigeenka Abniga, Gaaf Wareegii Taliye fadal,Gaab Gaabsigii Waran Cade+Gabashadii Maayar Soltelco.
Hargaysa(Wajaalenews) Xukuumada madaxwayne siilaanyo oo xiligan u muuqata mid kalsooni daro wayni soo food saartay ayaa saaka Kulan ay ku balansanaayeen qaar ka mid ah salaadiinta beelaha Subeer Awal Oo uu gudoominayay suldaanka guud ee beesha Subaar Awal Suldaan Xasan kan dhacayay Huteel Guuleed kaasi ooujeedadiisu hayd sidii loga hadli lahaa xadhiga madax dhaqameedka mida beesha sacad muuse oo ay xukuumadu uxidh xidhay weerar loo gaystay goob diwaangalintu ka socotay ee deeganka lughaya ayaa waxaa ciidamo xoogan soo duldhugay wasiirada arimaha gudaha Wasiir kuxigeenka Abniga ,taliyaha ciidanka booliska , iyo maayarka caasimada Ayaa xoog iyo hanjabaad ku soo fara galisayay shir kaas iyada oo soo dhoobtay cudud ciidan oo isugu jiray kuwa booliska iyo RRu da goobta ay ku balansanaayeen salaadiintaasi kadibna uu u baaqday shirkaasi faragalinta xukuumada.
hadaba masuuliyiin ka socday xukuumada ayaa muran iyo isqabqabsi kadib shir waan waana lagay suldaanka guud kaasi oo sida xogahani tibaaxeen markii danbe laysla gartayb in mudo 48saacadood ah ay xukuumada ka war sugaan.
Ujeedada shirkan ay xukuumadu xoog u isticmashay ayaa ahaa mid ay kaga arinsanayeen salaadiintani qadiyada arinta madax dhaqameedka dhawaan ay xidhay xukuumadu kadib markii todobaadkii hore la weeraray goob diiwaan galineed oo kamid ah deeganda hoos yimaada degmada Lughaya falkaas oo ay xukuumadu dusha uga tuurtay madaxdhaqameedkaas kuwaas oo xiligan loo dhaadhiciyay jeelka wayn ee magaalada Mandheera .
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE