WAJAALE NEWS

DAAWO: Haween Is Xil-qaamay Oo Hawlagalo Wacyigalin Iyo Samafal Isugu Jira Ka Fuliyay Galbeedka Iyo Waqooyiga Boorama, Kana Hadlay Abaaraha Iyo Caqabado Diiwangalinta,

Qaar ka mid ah Haweenka gobolka Awdal oo maalmihii u dambeeyayba waday wacyigalin dhinaca diiwaangalinta codbixiyayaasha ee doorashooyinka 2017 ka dhici doona Somaliland ayaa baaxda kormeeroodaasi balaadhiyay kadib markii ay safari wacyigalin dhinaca diiwaangalinta ah ugu kala baxeen degaamda Waqooyiga iyo Galbeedka degmada Boorma.

Haweenkan oo intii ay wacyigalinta wadeen dadka is diiwaangalinaya iyo shaqaalaha iyo hawlwadeenada diiwaangalinta u qaybinayay biyo iyo baad labadaba ayaa waxa ay ka war bixiyeen xaalado ba’an oo dhinaca abaarta ah iyo caqabado ay tilmaameen inay ku xayndaaban yihiin diiwaangalinta ka socota gobolka Awdal.

Marwo Faaisa Sh. Xasan Nuuriye, Marwo Safiya Hufane iyo Marwo Radwa Maxamed Cige  oo ka waramayay caqabadaha dhinaca diiwaangalinta ah ee ay soo arkeen ayaa yidhi “Waxa aan soo aragnay caqabdo badan oo qaarkood yihiin kuwo farsamo, qaarna yihiin kuwo dabiici ah, kuwa farsamada marka loo yimaad, waxa muuqata in isku dhiilitir la’aan dhinaca goobaha diiwaangalinta ahi ay jirto, goobaha qaar uu dadku ku yar yahay waxa yaala Kumbiyuutaro badan, halka goobo kale oo dadku ku badan yihiin uu hal kKumbiyuutar ka yaalo, sidoo kale dhalinta wax diiwaangalinaysa waxa ad dareemaysaa in tababarka ay haystaani uu kooban yahay, waxa kale oo intan dheer Internet-ka oo gabi ahaanba aad u liita, sidoo kale dhinaca bari ee degmada Boorama gabi ahaanba goobahu way ku yar yihiin, waxana aan komishanka leenahay arimahaas dhinaca isku dheeli tirka Kumbiyootarada ee goobaha diiwaangalinta ah hoos ha loo eego”

Hooyo Xaawo Rooble Cidheere, Marwo Ayaan Cali Cumar iyo Marwo Safiya Cabdi Nuur oo iyaguna  ka hadlaya xaalada abaarta ee jirta iyo saamaynta ay ku yeelatay diiwaangalinta waxa ay yidhaahdeen “goobohii tirade badan ee codka ah lahaan jiray, waxa aan qaarkood tagnay iyaga oo dadkii ka haajireen oo abaartii ay saamayn ku yeelatay dadkiina noqdeen kuwo xoolahii ay hogaamiyeen, meelahaas oo kale waxa loo baahan yahay in dadka laga daba geeyo Qalabka diiwaangalinta oo meelaha ay joogaan lagu diiwaangaliyo, sidoo kale abaartu waa mid baaxad wayn leh, dhulkiina waa oomane aan biyo lahayn, cirkuna waa mid haawanaya oo shimbirihii ay ka soo daateen, sidaas aawadeed waxa aan ugu baaqaynaa xukuumada, iyo xil sidayaasha kale ee taladu ka go’do in ay dadka u soo gurmadaan”

Dhinaca kale Marwo Hibo Maxamed Cismaan ooloa hadlaysa dadka reer Awdal waxana ay ku wacyi galiyeen qaadashada kaarka codbixiyaha ee Somaliland, waxana ay yidhaaheen “Maanta tartanku waa mid heer qaran ah, oo dalka ayay tiradeenku kordhinaysaa, waa mid heer gobol ah oo gobolka dadkiisa ayay kor u qaadaysaa, waxa aan leenahay fadhiga ha laga kaco oo ha la is diiwaan galiyo, qofkastna ha qaato kaarka uu xaqa u leeyahay ee codbixinta”

Haweenkan oo isku dhan ayaa komishanka la hadlay waxa ay yidhaaheen “Komishanka dhawrkaas maalmood ee ay diiwaangalintu socotayba waan u sheegnay caqabadaha hor taagan ee diiwaangalintu ka dhaqaaqi la’dahay, balse dhagaha ayay naga furaysteen oo way iska indho tirayaan xaqiiqda jirta, waxa aan leenahay dhamaan mudada hadhay diiwaangalinta caqabadahaas oo dhan wax ha laga qabto, sidoo kalena mudada diiwaangalintu ka soconayso gobolka Awdal ha la kordhiyo oo wax ha lagu daro, goobaha u baahan in la kordhiyona ha la kordhiyo, Kumbiyuutaradana ha la isku dheeli tiro”

Exit mobile version