Gabiley (Wajaalenews)- Wasiirka Wasaaradda wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse ayaa cirka ku laalley rejada ay xisbiyada mucaaridka ahi ka qabaan gobollada Gebiley iyo Togdheer, isaga oo u quus gooyey taageero ay ka helaan amaba codad ay ku xisaabtamaan in ay halkaasi ka helaan. Wasiir Shucayb waxaa uu si gaar ah u calaamadiyey doorkii ay shacbiweynaha Gabiley iyo Burco ku lahaayeen guushii Madaxweyne Siilaanyo ku hantay hoggaaminta Dalka iyo qorshaha manta ay ku filayaan in cududii shalay lagu soo saaray siilaanyo ay maantana bud dhig u tahay guusha Musharraxa KULMIYE. “Marka laga hadlayo Burco iyo Gabiley, waa cududa xisbiga KULMIYE, waxa aynu ognahay in ay Gabiley iyo Burco ay ahaayeen Shalay meeshii aynu Siilaanyo [Madaxweynaha] kazoo saarnay ee uu guusha codadka ugu badan iyo xoogga ugu badan buu ka helay, Maantana waxaynu leennahay ha noqoto bud-dhiga koowaad ee aynu ka soo saari doono Muuse Biixi (Musharraxa Madaxweynaha KULMIYE”. Sidaa ayuu yidhi WAsiirka wershadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse oo shalay khudbad ka jeediyey Munaasibad ballaadhan oo ay xilalka kulal kula wareegeen baadhasaabkii hore ee gobolka Gabiley iyo baadhsaabka cusub ee dhawaan loo soo magacaabay. Xaflad ballaadhan oo shalay magaallada Gabiley loogu sameeyey xil wareejintaas isla markaana ay ka soo qayb galeen masuuliyiin heer wasiir iyo xildhibaanno ugu mudnaayeen ayaa wasiir Shucayb waxaa hadalkiisa oo soo dhawaynta baadhasaabka cusub ku dherernayd isla markaana uu farriin dhoolatus ah oo uu cududa taageerada ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay gobollada Togdheer iyo Gabiley uu ugu quus gooyay rejada ay xisbiyada mucaaridka ahi ka qabaan inay taageero ka helaan gobolladaas. Wasiiir Shucayb oo hadalkiisu si kooban u gudbinayay dulucda siyaasada xukuumaddu ku hoggaaminayo dalka gaar ahaanna gobollada Gabiley iyo Togdheer, waxaa uu yidhi “Iyada oo aynu ognahay in Muuse Biixi Cabdi, Musharraxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE uu taageero badan iyo cod laxaadleh ba ka heli doono dalka Somaliland oo dhan haddana waxaan halkan ka cadaynayaa in Gabiley iyo Burco aynu u aqoonsan doono bud dhiga koowaad ee aynu ka soo saari doono Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan saylici” ayuu yidhi Mr, Shucayb
Wajaalenews
Hargaisa Office