WAJAALE NEWS

Isbadalka Horumarineed Ee Ka Tis Qaaday Magaalada Gabiley Iyo Dhir Beeris Dawlada Hoose Oo Noqday Kuwo Soo Jiita Indhaha Shacabka Somaliland!

GABILEY(W,N)-Magaalo Madaxda Gobolka Gabiley Ee Gabiley Ayaa Mudooyinii Udanbeeyay Waxaa Ka Socday Mashaariic Kala Duwan oo lagu horumarinayo Bilicdeeda Iyo Hirgalinta Adeegyada Kala Duwan Ee Gudaha Magaalada.

Golaha Deegaanka degmada gabiley Ee Uu Gadhwadeenka ka Yahay Maayar Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa ku Talaabsaday horumar lataaban karo kaasi oo siwayn usoo jiitay Indhaha Shacabka Reer Somaliland Ee ku Kala Dhaqan Gudaha Iyo Didaba Iyadoo Maalmihii Ugu danbeeyay Baraha bulshadu Ay Ku Kulanto Siwayn loogu falanqaynayay Isbadalka Horumarineed Ee ka muuqda magaalada gabiley, kuwaasi oo Muuqalada jidka wadnaha Ee gabiley ay noqdeen kuwo siwayn Usoo jiitay indhaha shacabka somaliland  ee dawlada hoose ee Gabiley  ka hirgalisay wado afar haad ah iyo dhir beeris ay ku Samaysay iyo laydh lagu xidhay wadooyinka oo habeenkii magaalada Ka dhigay in aad caalam kale joogto Ay noqdeen Talaabooyin siwayn loogu bogaadiyay Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,soona jiitada cidkasta oo reer somaliland ah oo jecel horumarka dalka jsl,

Sidoo kale dawlada hoose ee degmada gabiley ayaa qaaday Arimo kale oo muhiim kuwaasi oo ay ku daryeelayso dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada gabiley gaar ahaan qoysaska Hooyooyinkii nussaacaha ku hor iibin jiray dugsiyada Waxbarasho ee la fasaxay si looga   kahortago xanuunka dunida Saameeyay ee coronavirus.

Maamulka Dawlada hoose ee gabiley oo uu horkacayo Maayarka Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa gacantooda Raashin ugu Qaybiyay Boqolaal Qoys oo kamid ah Qoysaskii ay Sameeyeen fasaxa dugsiyadu, iyagoo qoys walba gurigoodu ugu Geeyay raashin ay noloshooda ku dabaraan mudo bilo ah.

Dadaalada Ay Dawlada hoose gabiley Mudooyinkii udanbeeyay ka wado guud ahaan gobolka ayaan intaasi ku koobnay balse Dhawaan ayay ahayd Markii Dawlada hoose ee gabiley iyo diwaanka sakada ee gobolka gabiley dhaqaale maalgalin ah uqaybiyeen 400qoys oo kamid ah danyarta gabiley taasi oo iyana noqotay waxyaabaha dareen taabashada Leh iyo daryeelka bulshada ah ee ay hirgaliyeen golaha deegaanka Gabiley.

Dhanka kale Maamulka Dawlada Hoose ee Gabiley ayaa hore ula wareegay daryeelka iyo taakulaynta 20 xarumo caafimaad oo ku kala yaala degmooyinka gobolka gabiley kuwaasi oo baahi wayn ay uqabeen bulshada ku dhaqan gobolka gabiley in ay ka heleen adeegyada caafimaad ee ay ubaahan yihiin, gaar ahaan hooyooyinka iyo caruurta yar yar oo u baahnaa daryeel caafimaad.

Talaabooyinka masuuliyada leh ee ay qaaday dawlada hoose ee gabiley ayaa noqday kuwo soo jiitay indhaha shacabka Somaliland kuwaasi oo maamulka dawlada hoose ee gabiley ku bogaadiyay horumarka,daryeelka danyarta, halka shacabka ku dhaqan gobolka gabiley ay  talaabooyinkaasi ay qaaday dawlada hoose unoqdeen kuwo ay dareenkooda la wadagaan bulsada iyadoo guul ay tahay qofkasta oo reer gabiley ah oo jecel horumarka ay ku diirsadeen, halka maamulka Golayaasha Deegaanka Ee Dalka Loogu Baaqay In Ay ku Daydaan golaha deegaanka gabiley ee uu gadhwadeenka ka yahay Maxamed Amiin Cumar Cabdi.

Golaha deegaanka degmada Berbera ayaa hore iyagu ugu sifoobay waxqabad halka golaha deegaanka gabileyna uu noqday golihii labaad ee dalka Somaliland ku talaabsada hirgalinta horumar iyo waxqabadkii ay shacabkoodu ka sugayeen wallow marka dhaqaalaha soo kala gala gabiley iyo Berbera marka Laysku  eego waxqabadkooda ay dawlada hoose ee gabiley ku talaabsatay horumar iyo dadaal ay taariikhda waxqabad ku galayaaan Hogaanka Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabiley kaasi Oo Lagu Xusidoono Diwaanada Taariikhda.

Sikastabaha ha ahaatee waxaa golaha deegaanka ee gabiley looga fadhiyaa in ay sii laban laabaan dadaalada waxqabad iyo daryeelka ay umajiirteen in ay bulshadooda u horseedaan.

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF REPORT.

 

 

Exit mobile version