WAJAALE NEWS

Xukuumadda Ingiriiska oo faahfaahin ka bixisay kulan dhexmaray Wasiirka Khaarajiga Somaliland & kaalin ay ku yeelato Wada xaajoodka Soomaaliya

“Labada wasiir waxay fursadaa kaga faa’idaysteen inay ka wada xaajoodaan arrimo badan oo danaha ka dhexeeya ah…” Miss Sheena Lavery, afhayeenka FCO, Ingiriiska

Wargeyska Himilo oo Wareysi la yeeshay Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Mr. James Duddridge.

London(Wajaalenews)- Xukuumadda Ingiriiska ayaa faahfaahin ka bixisay kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire iyo kaalin ay ku yeeshaan wada xaajoodka la saadaalinayo inuu dhexmaro Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Afrika iyo waddamada Barwaaqo-sooranka u qaabilsan Ingiriiska, Mr. James Duddridge, oo dhowaan xafiiskiisa London ku qaabilay wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno la socday ayaan faahfaahin dheeraad ah laga bixin qodobada labada dhinac ka wada hadleen.

Su’aalo weriye, Maxamuud Walaaleye, oo hawl-wadeenada wargeyska Himilo ka tirsan khadka email-ka ugu diray Mr. Duddridge, wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska doraad ayaa jawaabahoodii lagu sheegay inay kulan isbarasho yeesheen labada dhinac.

Sheena Lavery, haweenay afhayeen ka ah xafiiska Afrika & Waddamada Barwaaqo-sooranka ee Ingiriiska oo wargeyska Himilo uga soo jawaabatay su’aalahaa ayaa sheegtay in xukuumada Ingiriisku si weyn u taageersan tahay wadaxaajood dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya.

Su’aal wargeyska Himilo ka weydiiyey Mr. Duddridge ujeedada kulankuu la yeeshay wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali shire iyo qodobadii labada dhinac ka wada hadleen, ayey Miss Lavery,  ku jawaabtay,

“Mr Duddridge waxuu la yeeshay kulan is-barasho Dr. Sacad Cali shire, maadama dhowaan xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda loo magacaabay. Labada wasiir waxay fursadaa kaga faa’idaysteen inay ka wada xaajoodaan arrimo badan oo danaha ka dhexeeya ah.

Somaliland waxay danaynaysaa in wadammo sida Ingiriiku, qeyb ka noqdaan wada-xaajoodka la saadaalinayo ee u dhexeeya Soomaaliya, ma laga yaabaa in dalkaagu si rasmi ah goobjoog uga noqdo, oo la weydiiyey ayey ku jawaabtay,

“Dalka Ingiriisku waxuu si weyn u taageersan yahay wada-xaajoodka dalka Turkigu dhexdhexaadinayo ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Ugu dambayn, mar la weydiiyey maadaama madaxbanaanida shacabka Somaliland xaq u lahaayeen helitaankeeda way muddo-dhaaftay, halka khubaro iyo qoraa badan oo qadiyadda ka hadlay wada qireen sharcinimadeeda, ma filaysaa in Ingiriiska oo xidhiidh taariikh dheer la wadaagi jiray Somaliland iyo guud ahaan beesha caalamku inay diyaar u yihiin aqbalaadeeda, ayey ku jawaabtay,

 

“Waxaan aaminsan nahay in mustaqbalka Soomaaliya yahay arrin shacabka soomaalidu go’aan ka gaadhaan, isla markaana wadammada jaarku horsed ka noqdaan aqoonsiga wax kastoo ka soo baxa.”

XIGASHO HIMILOMEDIA

 

Exit mobile version