WAJAALE NEWS

Wasiirka Wershadaha Somaliland Oo Furay Shirweyne Lagu Dersayay Qorshe Sannadeedka Wershadaha Somaliland

“Waxa muhiim ah inay Wershadlayda dalku ka soo talo bixiyaan dejinta siyaasadda wershadeynta dalka”

Wasiirka Wershadaha Somaliland

Hargeysa (W.n)- Wasiirka wasaaradda wershadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse Ayaa maanta  furay Shir wada-tashi ah oo lagu gorfeynayay sidii loo dejin lahaa qorshe Sanadeed lagu hagi doono Wershadleyda Somaliland, kaasi oo ay wasaaraddiisu soo agaasintay laguna qabtay xarunta wasaaradda ee magaallada Hargeysa. Shirkan oo dhex maray wasaaradda wershadaha oo dhinac ah iyo laba dhinacc oo kale oo kala ahaa  ganacsatada kala duwan ee wershadaha iyo ururka wershadleyda Somaliland. Waxaana shirkan ooh al maalin ahaa ay ka qayb galeyaashu ka markhaati kaceen  baahida loo qabo in la helo siyaasad ama shuruuc hagta Wershadaha Somaliland, waxaanay isla gorfeeyeen qaabka ugu habboon ee loo xakameyn karo, loona kala xadeyn karo suuqa ganacsi ee Wershadleyda Somaliland.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda Wershadaha Somaliland Md.Farxaan Aadan Haybe oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa faah faahin ka bixiyey u jeedka kulankan, isaga oo carabka ku dhuftay in ay muhiim tahay in dhammaanba Wershadlayda Somaliland ay helaan adeegyada aas aasiga ah ee u baahan yihiin oo ay ugu horeyso ayaa uu yidhi samaynta siyaasad cad oo hagta Wershadaha dalka jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo uu tilmaamay in ay ka wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin siddii ay dhankooda Wershadleyda Somaliland ay uga caawin lahaayeen wixii karaankooda ah ee ay ku dhiiri-gelinayaan horumarkooda iyo sii jiritaankoodaba.

“Kulankan waxaynu u qabaney oo aynu iskugu nimi, waa siddii aynu u dardar-gelin lahayn hawlaha Wershadaha oo dhammaanteenba inna wada khuseeya, waa muhiim in  Warshadleydu ay helaan dhamaan adeegyada aas aasiga ah ee ay u baahan yihiin oo ay ugu horeyso, sameynta Siyaasadda Wershadeynta dalka, kala xadeynta waxyaabaha la soo dajiyo iyo baahiyaha dhicana suuqa ee Wershadaha. Waxa kale oo aan iidiin sheegayaa in ururka Wershadahu uu yahay habka isku xidha Wasaaaradda Wershadaha iyo Warshadleyda dalka, sidaa darteed wixii khilaaf ah ee dhexyaala waa inay dhamaystaan, Warshadaha aan ku jirina ku soo biiraan, Wasaaradduna waxay ku leedahay tallo soo jeedin laakin khasab kuma lahaa.”Ayuu yidhi

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “ Waxa innoo muhiim ah in Wershadaha loo sameeyo sumada haamaha ama calaamadaha wax-soo-saarka, si loo ilaaliyo in aanay isugu eekaan waxyaabaha la soo saarayo (Trade Mark for production), waana innagu waajib dhammaanteen inaynu illaalino wixii shuruuc ah, sida oo kalena Ururka Wershadleyda laga caawiyo dejinta shuruucda ururka Wershadleyda isla markaana wax laga bedalo shuruucda ururka wershadleyda, iyada oo ay jiraan duruufo baddan oo ku xeeran ururka Wershadleyda oo ay ka mid yihiin, Tamaryaraan, Shaqaalaha xirfadda leh oo ku yar ama kharash badani kaga baxo siday u heli lahaayeen shaqaale khubaro ah iyo qodobo kale oo badan, Wasaaraddu waxay diyaar u tahay in ay kala hawlgasho xalinta dhamaan duruufaha intii karaankeeda ah, Wasaraadu waxay hada wadaa qorshe ay ku dooneyso in ay ku biirto mashruuca SDF (Somaliland Development Fund),Waxay Wasaaraddu ka hawlgalaysaa sidii ay Warshadleydu u heli lahayd dhul u qorshaysan Warshadaha (Industrail Zones )”.Ayuu yidhi Md.Farxaan Aadan Haybe.

Mas’uuliyiinta Wershadleyda iyo sida oo kale madaxda ururada Wershadleyda Somaliland, oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba soo dhaweeyey qorshe siyaasaddeedkan cusub ee ay wasaaraddu ku hawlan tahay siddii siyaasad cad oo hagta Wershadaha loogu sameyn lahaa, waxaanay si aada uga mahad-celiyeen qaabka tolmoon ee ay wasaaradda Wershadahu uga soo qeyb-galisay, tallo-na uga soo siisay siddii ay uga soo tallo bixin lahaayeen, waxna ugu soo darsan lahaayeen shuruucda lagu maamuli doonno ka Wershadlay ahaan, iyaga oo dhammaantoodba carabka ku dhuftay in ay diyaar u yihiin hir-gelinta qorshe siyaasaddeedkan, sida oo kalena ay balan-qaadeen in ay u hoggaansami doonaan marka la soo qabyo-tiro qorshe siyaasaddeedkan, waxa kale oo ay mas’uuliyiinta Wershadleydu ay halkaas ku soo bandhigeen caqabadaha ka Wershadlay ahaan illaa hadda hortaagan, una baahan siddii wax loogga wada-qaban lahaa qaran ahaan.

Wasiirka Wasaaradda Wershaha Somaliland Md.Shuceyb Maxamed Muuse oo isna halkaas ka hadlay,  ayaa sheegay in ay muhiimad ballaadhan ugu fadhido in Wershadleyda dalku ka soo tallo bixiyaan qorshe siyaasaddeedka lagu haggi doonno Wershadleyda Somaliland.

“Waxa muhiim ah inay Wershadlayda dalku ka soo tallo bixiyaan dejinta siyaasadda wershadeynta dalka, waxaanay Waraasaddu dhiiri-gelinaysaa sidii ay warshadaha dalku u heli lahaayeen tamar ku filnaata, taas oo markii aan tagay dalka Yurub kala soo hadlay rugta ganacsiga Sweden iyo dawladda Netherland , inay Wershadleyada Somaliland ay ka caawiyaan sidii ay u heli lahayd tamar ku filnaata.Waxa kale oo aan u soo jeedinayaa Warshadaha dalka inay iyaguna ku dedaalaan siddii ay u soo sameyn lahaayeen qalab lagu baadho tayada waxay soo saarayaan.”.Ayuu yidhi Wasiir Shuceyb.

Exit mobile version