WAJAALE NEWS

Wasiir waran-cadde Oo Aamusnaan Ku Daawaday fadeexad ka Dhacday Xafiiskiisa Oo Ay Maayarka berbera Iyo Agaasimaha Guud Ee Daakhiligu Isku faro-saareen

Fadqalalladii Ku Lingaxnayd Feedhka Maayarka+ Fajacii Fir-ka-naxsanaa Ee  Agaasimaha Guud + Foorarkii Wasiir Waran-cadde

Goob-joogeyaal Madax Bannaan Oo  Farta Ku Goday Cidda Ku Horeysay Gacan-ka-hadalka Iyo Cadho Shilimo Ka Kacday Oo Sababtay In Ay Is Faro-saaraan

Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Ee Magaalo-madaxda gobolka Saaxil ahna duqa degmada Berbera Md. Cabdishakuur Maxamuud Xasan [Cidin] iyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdifataax Siciid Axmed , kadib markii ay isku fahmi waayeen qorshe ay wasaaraddaasi kusoo rogtay dawladaha hoose ee dalka qaarkood. Gacan ka hadalkan shalay oo labada mas’uul ku dhex maray xarunta dhexe ee wasaaradda arrimaha gudaha ayaa la weriyey in uu yimi xilli uu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland goob joog u ahaa murankan. Goob-joogeyaal madax bannaan oo wasaaradda ku sugnaa marka gacan ka hadalku dhacay ayaa Wargeyska HUBAAL u xaqiijiyey in maayarka degmada Berbera Md. agaasimaha arimaha gudahaCabdishakuur Maxamed Ciddin uu gacanta ku horreeyey isla markaana farasaaray agaasimaha guud isaga oo feedhka bilaabay.  Goobjoogeyaashani waxa ay intaa ku dareen in gacan ka hadalku ka dhacay xafiiska wasiirka daakhiliga gudahiisa isaga oo  wasiirku xafiiska joogay,   kaas oo ku guuldarraystay inuu labada masuul kala dhex galo, isla-markaana runta u sheego midkooda khaldan, hadiiba aanu tallaabo ka qaadaynin. Sida aanu xogta ku helnay, waxa uu maayarka degmada Berbera Md Ciddin ka cadhooday Xisaabiye cusub oo ay wasaaradda arrimaha guduhu u magacowday  dawladda hoose ee degmada Berbera, kaas oo uu maayarku sheegay inay ka baxsan tahay shaqada wasaaradda arrimaha gudaha, balse uu agaasimuhu ka diiday. Arrin kale oo Maayarka Berbera ku kalliftay inuu gacantiisa isticmaalo, ayaa ah inuu ka cadhooday kabka ay wasaaradda arrimaha guduhu siiso dawladaha hoose kuwaada Derejada koowaad ah oo muddooyinkii ugu dambeeyey shuruud looga dhigay in xisaab-xidh lagu bixiyo, taas oo uu maayar ciddin ku qanci waayey, una qaatay shaqo uu lahaa oo wasaaradda arrimaha guduhu farogelisay. Kulan kooban oo Maayar Ciddin xarunta wasaaradda kula yeeshay Agaasime Cabdi-fataax, ayaa keenay inuu si weyn uga cadhoodo, kadib marki uu agaasimuhu u bandhigay  tallaabooyinka cusub ee xisaab-xidhka iyo xisaabiyaha la magacaabay kamid yihiin ee wasaaraddu waddo, waxana labada masuul markii dambe iyagoo  wada socda ay galeen xafiiska wasiirka, halkaas  oo hadallo kooban kadib uu Maayarku Feedh miisaan leh daanka kaga dhuftay agaasime Cabdi-fataax, xilli uu wasiir Waran-cadde markhaati ahaa. Maayar Ciddin ayaa feedhka uu agaasimaha ku dhuftay kadib ka baxay xafiiska Wasiir Waran-cadde iyo wasaaraddaba,  balse wasiir Waran-cadde ma qaadin wax tallaabo ah oo la xidhiidha dagaalka milgaha ka baxsan ee uu maayarku kula kacay agaasihiisa, waxana uu arrinta ka dhigay mid aan agtiisaba wax lur ah ka lahayn. Wasiirka Arrimaha gudaha, ayaa looga fadhiyaa inuu gudo galo tallaabadii uu ka qaadi lahaa Maayarka hortiisa ku dagaallamay, xilli waliba ujeeddada dagaalkiisu salka ku hayso xoolo cor-doonnimo iyo hammuun uu u qabo maamullida wax aan shaqadiisa ahayn, iyadoo lagala quustay inuu xisaab xidh soo celiyo ama cidiba xisaabiso. Dhinaca kalena xidhiidho dhawr ah oo aanu la samaynay maayarka Feedhka adeegsaday, Ayaan noo suurtogelin, kadib markii uu telefoonkiisa gacanta qaban waayey Maayarku.

 

Exit mobile version