Xukuumada somaliland ayaa dhawaan laga filaya inay isku shaandhayn ku samayn doonto golaha wasiirada somaliland, ka dib markii ay soo baxeen qaban-qaabo xoogan oo ka muuqda axsaabta qaranka oo ay ugu diyaar-garoobayaan doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiilada oo ay ka hadhsan tahay sanad iyo laba bilood, iyo shir-doceedyo ay gaar-gaar ula galayaan beelaha kuna ugaadhsanayaan siyaasiyiinta miizaanka ku leh beelahooda.
Sida ay sheegayaan illo-wareedyo u dhuun dalloola madaxtooyada somaliland ayaa sheegaya in ay dood ka yeelatay siyaasiga cabdilaahi dirawal oo muddo dheer jago wasiirnimo ka soo hayay xukuumadihii somaliland ee kala danbeeyey. Geesta kale magacaaabista jagooyinkan wasiirnimo ayaan ku ekeyn cabdilaahi dirawal balse waxaa isna ka mid ah dadka ay hadal hayso madaxtooyadu .
shucayb maxamed xaaji c/salaan oo ah siyaasi muddo dheer ka soo shaqaynayay wasaarada maaliyada gaar ahaan xisaabaadka khabiirna ku ah xisaabaadka oo horena u ahaa xisaabiyaha guud ee gobolka maroodi-jeex muddo 12 sano ahna ahaa xisabiyaha guud ee gobolka saaxil haatan ah xisaabiyaha guud ee gobolka isla markaana ah shaqsi miisaan siyaasadeed ku leh beeshiisa oo caabiyi kara wasiirkii hore ee caafimaadka cabdi haybe oo ay isku hayb yihiin oo kaanbayn adag ku haya xukuumada iyo xisbiga kulmiye