WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Jiidali oo Xukumadda Silaanyo lahjad adag kula hadlay.

Gudoomiyaha Oo ugu horayn ka hadlay marxalada dalku wakhtigan ku sugan.yahay

Ayaa  waxa uu sheegay inay dalka xukumadda siilaanyo duminayso” uuna xalkeedu ku soo ururay mashaariic ololoysan iyo mudo kordhin ay wadada u xaadhanayso, isaagoo sidoo kale sheegay inaanay xukumadda uu axmed siilaayo hogaaminayo doonayn inay doorasho dalka ka dhacdo,  safarka uuu madaxwaynuhu ku marayo gobolada dalkana u ku tilmaamay mid aan micno buuran soo kordhinayn

Gobol walboo  uu marayana ay tabasho hortaalo

sida buu yidhi tii ugu danbaysee suldaan wabar.

Dadka tabashadooda waa in la dhagayso  aragtidooda la qadariyo  lala fadhiisto  lala tashado balse xukumadani  xalkeedu noqday inay ficilo qalooca kaga jawaabto tabashada caafimaadka qabta ee loo soo gudbiyo,
sidoo kale mar uu guddoomiyuhu ka hadlayay mashaariicda uu madaxwaynuhu  xadhig ka jaray iyo kuwa uu dhagax dhigaway, uu yidhi xukumaddan wakhtigeedi wuu dhamaaday indhihii caafimaad qabana way arkaan wax qabadka xukumadani in uu noqday nin jeclaysi iyo qabyaalad ay laasimtay, sidoo kale mar uu guddoomiyaha jiidali ka hadlay xayiraada wargaysya xidhan ee haatuf iyo hubaal waxa uu yidhi, saxaafadii xukumadu way ku tumatay sharcigeedii way baabiisay buul bay ku xidhatay, tacadi bay u gaysatay way xidh xidhay, waxay u addeegsatay talaabooyinkii ay xukumadii rayaale  ku eedayn jirtay,  maanta siilaanyo mid ka daran buu sameeyey, rayaale barigii wuxu ka qashaafay inuu meheradii oo xidhan uu shaqsigiina xidho, horayna taasi umay dhicin laakiinse imika way dhacday, in shaqsigii iyo meheradii mar la wada xidho, waxaanan leeyahay  xukuumada  Hubaal iyo Haatuf waa indhaha  bulshada  iyo dalka  qofku danbi  wuu gali karaa balse qof aan danbi galin cadayna aan lagu hayn  in la cabudhiyo  ma heradii uu nolal maalmeedka kala soo ba xayna la xidhaa   kuma jirto  hab maamuuska iyo milgaha dawladanimo waxaan u soo jeedinayaa xukuumada in ay si dagadag ah uga qaado xayiraada   labaad wargeys ee xidhan.

Sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu ka hadalay arinta warashadda Barbera waxanu yidhi waxayna ahayd in ay dhex ka noqoto arintaa xukumadu balse in ay cid gaara kooto ugu xidho waa waxa ay ku cebeysan tahay ma talan Barberi waxay ku shaqeysaa waa Laydh iyo Biyo intiiba markay Xukumaddu Dhex ka noqon waydey ee ay cid ay Gaara u siisey “koodhyihii yar yaraa ee ay dadku ku shaqaysanayeen  Sacado ku xidheen, waxa kaliyee u hadhay waa inay dadka bukaanka ah eey faleenbadu ku socoto ka jarto arintaasina ma ogolin Reer Saxiil ma ogola Cawaaqib Xumadda ka dhalatana Xukumaddu iyadda ayaa ka masuula

Gudoomiyihu waxa kale oo uu ka hadlay Hay’adda Odxa waxanu yidhi waa in ay  xukumaddu faraha kala baxdo arintaah Odxa waa Hay’adda madax banana oo samafal ah, haddi ay  xukumaddu ka dhex urineyso Faadumo Saciid  waa shaqsi  reer Somaliland una adeegta Danyarta Dhalinyarada cid walbana dalka iyo dadkaba uga lexjecelo badan mar walbana arimaha samo falka ka shaqaysa,  haddii ay xisbi mucaarid ku jirto iyo haddii kaleba waa shaqsi kalsoonida shacabka boqolkiiba boqol haysata, waxaanan leeyahay xukumaddu siilaaanyo haddii ay faraha kala bixi waydo ceeb iyo ma hadho ayaa idinka raaci.

Gudoomiyihu waxa  uu ka hadalay qaraarkii ka soo baxay shirkii Igad ee ahaa adkeynta midnimadda iyo xududihii dalkii  la isku ogan jirey Somaliya ee  ay kaga jawaabtey aamusnaanta  Xukumaddeenu taasina ay Qaranimada dawacayso. Ayna u sabab tahay xukumaddan siilaanyo ee dalka baabiinaysa.

cabdirisaaq aadan <cabdi1433@gmail.com

 

 

Exit mobile version