WAJAALE NEWS

War Murtiyeedka Ururka Suxufiyiinta S/Land

 SOLJA: War-Murtiyeedka Kal-fadhiga 1aad Ee Golaha Sare Oo Hargeysa Ku Qabsoomay

 

Kal-fadhigii 1aad ee Golaha sare ee shanaad ee Urrka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo shalay ku qabsoomay xarunta dhexe ee ururka Magaalada Hargeysa ayna ka soo qayb galeen 12-xubnood oo ka mid ah 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Goluhu ayaa waxa lagu naaqishay qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen dhagaysiga warbixino ay madasha shira ka soo jeediyeen Guddi-Hoosaadyada Golaha, Hawl-qabadka Xafiiska Fulinta ee Ururka oo xunaha golaha sare ay warbixintiisa ka dhagayseen ku simaha Agaasimaha Fulinta ee SOLJA. Sido kale guddidu waxa ay warbixin dheer ka dhagaysteen Guddoomiyaha iyo Xoghayaha guud warbixintaasi oo la xdhiidhay dhammaan hawl-galkii SOLJA ee mudadii hogaanka cusub xilka ururka hayeen laga oo bilaabo 7-dii January 2015 oo ahayd maalinti rasmi ahaan golaha sare ee ururku xilka la wareegeen, Warbixintaasi oo dhinacyo badan ka

taabanaysay wax-qabadka ujeedooyinka ururku u aasaasan yahay. Sidoo kale kalfadhiga koowaad ee Golahan waxa shalay lagaga hadlay qorshayaasha Lixda bilood ee soo socda ururku ka shaqayn doono iyada oo qiimayn lagu sameeyey qorshe-biloodyadii hore ee ururka u yaallay wixii ka qabsomay iy wixii qabyo ahaa.

Hogaanka Ururka oo kala ah Guddoomiyaha, Gudd/Xigeenka iyo Xoghayaha guud ayaa halkaasi ka soo jeediyey warbixino dhaadheer oo si faahfaahsan uga warramayay hawlihii shaqo ee mudadaa saddex biloodka ah, sida weriyayaashii la kulmay xad-gudubyada, kuwii xanuunsaday iyo tallaabooyinkii ay hogaanka ururka iyo gudidooda difaaca suxufiyiintu ka qaadeen abuuritaan jawi is afgarad oo u dhexayn kara suxufiyiinta shaqadooda ku jira iyo dhinacyada kale, xidhiidhadii lala  sameeyey hay’adaha samafalka, mashaariicdii la diyaariyey iyo waxa ka soo noqday, dakhligii soo galay iyo waxyaabaha lagu qabtay, oo ay soo raacaan yagleelidda xarun tababar iyo maktabad u gaar ah suxufiyiinta oo laga hir-geliyey Xarunta ururka, agabka adeega xafiiska looga baahnaa ee la soo kordhiyey sida gaadiidka iyo qalabka xafiisyada.

Xubanaha Golaha sare ee SOLJA waxa ay doodo iyo talooyina ka yeesheen islana qaateen in la laban laabo oo la xoojiyo difaacidda xuquuqda suxufiyiinta ka hawl gala dalka iyo ilaalinta xorriyatul qawlka guud ahaan taasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay jireen cabashooyin la xidhiidha arrimahaasi taasi oo Goluhu isku raacay in dhinac kasta oo ay khusayso lagala shaqeeyo sidii gabi ahaanba dalka looga cidhib tiri lahaa tacaddiyada ka dhanka ah xorriyatul-qawlka.

Gabagabii Shirka Golaha Sare Ee SOLJA Waxa Ka Soo Baxay Qodobadan:

 

 

Allaa Mahad Leh

 

Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto)

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA

 

_________________________

Exit mobile version