Hay’adda FAO oo Talaabo Lidi ku ah Qaranimada Somaliland ku Calaamadisay Doonyaha Kalluumaysatada Berbera
Editor:
Berbera(Wajaalenews) Hay’adda FAO ee cuntada Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa ku talaabsatay arrin lidi ku ah qaranimada Somaliland, taasoo ay ka fulisay xeebta Berbera ee Somaliland, iyadoo Nambaro astaanta Somaliya ah ku dhajisay doonyaha Kalluumaysatada.
Talaabadan FAO ku kacday ayaa qayb ka ah dagaalka ay Qaramada midoobay ku mijo-xaabinayso gooni isu-taaga Somaliland, waxaanay Hay’addani u muuqataa inay Somaliland ku soo balaadhinayso mashruuc ay dhawaan ka fulisay xeebaha Somaliya oo ay kaga guratay Malaayiin kalluun ah, kuwaas oo ay sheegtay inay ku taageerayso Dawladda Federalka Somaliya. FAO, waxay qorshaheedan ku doonaysaa inay badda cas ee Somaliland ku hoos gayso Dawladda Federalka Somaliya, maadaama aanay xukuumadda Somaliland wax heshiis ah kala galin inay ku dhaqaaqdo inay Doonyaha Somaliland ku dhajiso nambaro(Taariko) laga leeyahay Somaliya. Xafiisyada Qaramada Midoobay ayaa hore Somaliland uga fuliyey qorshayaal lidi ku ah madax banaanida Somaliland, waxaanay arrintan cusub Somaliland ku noqonaysaa waran mar kale beesha Caalamku ku sii luminayso inay Somaliland Khayraadkeeda maamulato, iyadoo aynu hore u ogayn mushkiladda ka taagan gaadiidka Hawadeena isticmaala. Xukuumadda Somaliland iyo wasaaradda u xil saaran khayraadka Badda midkood na illaa hada kamuu hadal dhacdadan lagula wareegayo badda Somaliland, waxaanay u muuqataa madaxda FAO inay kula kaceen khiyaamo qaran Somaliland, inakasta oo aan wali si rasmi ah loo ogayn in uu jiro heshiis si hoose u dhex maray Hay’adaas iyo madaxda ay shaqadani khusayso. Kalluumaysatada Somaliland ayaa cabasho balaadhan ka muujisa inaanay Somaliland wax war ah ka haynin dhibaatada ka taagan badda, iyadoo maalmahan ba ay soo baxaysay warar sheegaya in haamo aan la garanayn lagu arkay iyagoo ku soo caaryey Badda xeeligeeda. Sidoo kale, waxay ka cawdaan kalluumaysatada maraakiibta jiraafka ah wata, kuwaas oo qaarkood ay dhawaan kalluumaysatada xeebaha barri ee Somaliland gacan ka hadal kala hortageen markii ay waayeen xukuumad wax ka qabata, inkasta oo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor imaadkaasi.
Si kasta ha ahaatee, qorshaha Hay’adda FAO ay ka wado xeebaha Somaliland ayaa noqonaya kuwo haddii aan talaabo cad laga qaadin Dalka u horseedi doona in duhur cad hantidiisa loo gacan galiyo Somaliya iyo cid kasta oo dalkan boobaysa.