WAJAALE NEWS

Bulshada Degmada Arabsiyo Oo Yeelatay Shir Ay Aayaheeda Kaga Tashanayso

arabsiyo
Waxa maalmihii u danbeeyay si abaabulan uga socday degmada Arabsiyo shir ay lahaayeen haweenka iyo dhalinyarta ku dhaqan degmadaas.
shirkan oo loogu magac daray shirka aaya-ka-tashiga iyo horumarinta degmada Arabsiyo, ayaa sida wararka aan ku helnay waxa uu ka danbeeyay tabashooyin in muddo ahba soo taxnaa oo ku salaysnaa maamul xumo ragaadisay degmadaas.
sidoo kale waxa ay sheegayaan warar aan ka helnay ilo xogogaal ahi in shirkan lagaga tashanayo cuqaashii iyo duqaytidii degmada oo ku qaybsamay sidii loo bedeli lahaa maamulka Arabsiyo oo si ba’an looga dayrinayo gabi ahaanba.
shirkan ayaa weli ku jira wejiyadii hore ee gogol-xaadhka iyo axadhida xal u helida mushkiladaha iyo caqabaadka la hadhay degmadaas.
waa markii u horaysay ee kulan noociisa ah oo sidan u agaasiman ay yeeshaan haweenka iyo dhalinyarta degmadaasi sidas aawadeed waxa indho gaar ah lagu eegayaa go’aamada u danbeeya ee ka soo bixi doona iyo saamaynta ay go’aamadaasi ku yeelan doonaan himilada labadii garab ee ku qaybsanaa bedelka maamulka degmadaas.
si kastaba ha ahaatee shirkan oo loo badinayo in xal kama danbays ah loogu heli doono caqabadaha hor taagan horumarka degmada Arabsiyo ayaa waxa abaabulkiisa iyo agaasinka hawl maalmeedkiisa muddadaas uu socday si weyn uga dhex muuqday dad la odhan karo waa labeentii bulshada degmadaas oo ay ka mid ahayeen.
Sayid Aw Cabdi Yuusuf
Maxamuud Aw Axmed Muxumed
Jamaal C/laahi Yuusuf
Axmed Ciise Cawaale
Axmed Muxamed Muxumed
Cumar Cabdi Cumar
Mahad Yuusuf Obsiiye
C/rashiid Muxamed Daahir
Koosaar xaaji cismaan Cabdi
Muuse Yuusuf Liibaan
Faysal Cabdi C/laahi
C/salaam Aw Cali C/laahi
Muxamed Cumar cismaan
Liibaan Cabdi Ibraahim
Axmed Maxamuud Dhimbiil
Fardoosa Muxumed Xasan
Deeqa Carab C/laahi
Saynab Ibraahim C/laahi
Fadxiya Muxumed Axmed

Exit mobile version