ISTANBUL(W,N) Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo Aaad Looga Yaqaano Dhulka somaaliyeed, suugaantiisuna Raadayn Balaadhan dhagaha dadka ku yeelatay ayaa habeenkii Xalay ahaa- Ku Qabtay Magaalada Istanbul Ee Dadlka Turkiga Bandhig Suugaaneed kulmisay dhamaan Dadka afsomaliga ku hadla-
Bandhig Suugaaneedkan oon Noociisu hore aanu uga dhicin Dalka Turkiga waxa uu Abwaan Laabsaalax ku soo Bandhigay Maansooyin Quluubta dadkii xafladaa joogay Habeenkii xalay ahaa saamayn ku yeeshay.
Munaasibadaa oo aad loo soo Agaasimay waxa ka soo Qayb galay inta Magac Soomaliyeed Wadaagta oo laf dhabar ay u ahaayeen ardayda somaliyeed ee wax ka barata dalka turkiga,
Waxaa kale oo meesha aan ka maqnayn Ganacsatada, iyo dad badan oo socdo ah
abwaan xasan dhuxul Laabsaalax islamarkaana ah Gudoomiyaha Xidigaha geeska ayaa munaasibadaa ka jeediyay ka hor intii aanu maansooyinka gudo galin , hadal dhinacyo Badan leh oo ku soo ururaayay Dhiirigalinta aqoonta waxaanu yidhi kalmado iyo odhaahyo ay aad ugu bogeen ardaydii xafladaasi ka soo qayb galay
waxaanu abwaanku yidhi, Ardayda waxaan Leeyahay-
Halgn baad ku jirtaan aad Naftiina iyo Noloshiinaba ku Xoraynaysaan-,waxaad qoysaskiinii, dalkiinii iyo Dadkiinii Uga soo Baadiyowdeen Waa Inaad AQoon korodhsataan Si Aad Uga Xorowdaan Cudurka Dalalka geeska iyo afrika Inteeda Badan aafeeyay ee Jahligu sidaa darteed Waa muhim wakhtiga oo cimrigiina weerar ku haya inaad ka faa,iidaysataan-mana jirto Fursad maanta ku soo martay oo ka faa,iidaysigeedu Dib ku soo maraysaa
abwaan xasan dhuxul Laabsaalax oo ka hadlaayay Kaalinta ay aqoontu ku leedahay horumarka aadmiga isla markaana dunidan u badashay wuxu yidhi-
Tusaale ahaan 19960 iyo maanta oo 2016 dunidu isku meel ma taagna Sababta ugu wayn ee arintaasi badashayna waa aqoonta-Hadaba siday aqoontu dunida u badashay qolooyinkiina ardada ah naftiina ha u badaso oo dalkiiNII kula noqda aragti qof qoys iyo qaran lagu badali karo balse hadaad idinkii Halkan jaamacado ka Dhameeyay aad dalkii ku noqotaan ood garanwaydaan si aad u noolaataan
waa nasiib Daro- Gidaar la istaago iyo maqaaxi laga sheekeeyo iyo dad aqoon lagu celiyaa oo iftiin iyo ilays loo noqdaa laba ha idiin kaala ahaadaan,
Abwaanka oo doorka dadaalku uu ku leeyahay horumarka qofka ka hadlaayay waxa kale oo uu yidhi- ha sugin cadeed kuu kuu dhalatay inay kaaga wanaagsanaato tii kuu dhacday laakiin yeelo han iyo hami iyo higsi suuro gal ka dhiga inay kaaga wanaagsanaato
abwaan xasan dhuxul Laabsaalax oo Si wayn suugaantiisa ay U Xiisaynayeen DadkiI xafladaasi ka soo Qayb Galay ayaa soo bandhigay maansooyin dhawra isagoo ku bilaabay kana sheekeeyay siday ku timid maansada La guurso Maxaad ku keentay? hadaan soo Qaadano tuducyo maansadaa ka mid ah waxa ka Mid Ahaa
Ninkii tiisaba kafeeya
Ayaa tu kalana kalkaala
Xilkana korodhsiimo qaada
Kariim ubadkuu ku siiyay
Adoo kibir kaga dhaqaaqay
Adoo kas cad uga huleelay
Hankooda adoo karbaashay
Agtooda adoo ka keefay
Adoo kulankooda diiday
Miyaad qaar kale korriinka
Xilkooda kafaalo qaadday
–Middaad kurtinoow aroostay —
Nin kaamila taa ku moodday
Wallee kabeheed ma yeella
Iyaba way kaa war keeni
Kulaylkana way muquuran
Karbaashkana way la goohi
Kor iyo hoos bay u ooyi
Hadday soo laba kadlaysay
Barriba way sii karaari
haday islahayd nin keenso
Kurbada way ila dareemi
Dabkiyo naartay kulaashay
Dhibtaad hanfadow u keento
Kun jeer bay qoomamayni.
Waxa Kale Oo Abwaanku Halkaa ka Akhriyay Maanso Magaceeda la yidhaa Digniin- oo aad ugu dheeraanaysa kaalinta nolosha ay ku leeyihiin Haweenku iyo Maanso duco ah oo la yidhaa Xamdi Naq-
tuducyo ka mid ah maansada Xamdi Naqi waxay ahaayeeen
Intii Xumahay Ku Foogan
Xiqdiga Laab Iigu haysa
ifiyo Aakhiro Xagayga-
Xorbaan U Cafiyay naftooda
Xurmaan u Hibeeyay Toosan-
Abwaan Xasan dhuxul Laabsaalax oo su,aalo Farabadan ay dadkii xaflada ka soo qayb galay waydiiyeen ayaa si aftahanimo leh uga jawaabay waxaanu ka sheekeeyay, Siday ku yimaadeen Heeso caana oo uu hal abuuray-