Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud waxay waddanka ka qabatay horumar dhinacyo badan leh oo la taaban karo, waxa haddaba is wayddiin mudan xaggee lagu ilaabay labeentii waddanka oo ah dhallinyarada Jamhuuriyadda Soomaalilaan. Dhallinyaradda Soomaaliland meelkastoy joogaan waxay foolaadka hore kaga jiraan dadkii soo saray sababteedana lahaa guusha qiimaha leh ee uu gaadhay madaxwayne Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiyaba. Haddaba waxa is wayddiin mudan side loogu abuuri karaa shaqo dhallinyaradda?
Hanaanka ugu wanaagsan ee shaqo abuuris loogu samayn karaa way fududahay, waxana kamid ah:
- Iyada oo dhallinyaradda badhkood la baro sida looga faa’iidaysto khayaraadka tirada baddan ee baddaha soomalilaan ku jira, taas oo labara karo sida kallluunka loolasoo baxo, lagana caawiyo qalabkii lagula soo bixi lahaa.
- In dhallinyaradda qaarkood looga faa’iidaysto, xagga ciidanimada iyagoo wax ku kordhin kara ciidanka qalabka sida ee jamhuuriyadda soomaalilaan.
- In dhallinyaradda badhkooda labaro xirfaddaha beero falashada si waddanka wax soo saarkiisaa kor ugu qaadaan, lagana caawiyo qalabkay ku shaqan
- In dhallinyaradda loo furo dugiso lagu barto farsamada gacanta oo tayo leh, islamarkana waxa daboolmaysa baabi badan oo ay dhallinteenu qabto.
- Waa in dhallinyaradda loo furo goobo lagu ciyaaro, si loogu yareeyo khataraha ay leeyihiin balwaduhu iyo aafada tahriibtu.
- In la tayeeyo waxbarashada si ay usoo baxaaan dhallinyaro aqoontoodu
Waxa aan Mudane Madaxwayne si qaddarin iyo xushmadi ku dheehan kagaa codsanaynaa in aad uga faa’iidayso dalka iyo dadkaba awooda dihin eek u kayd dhallinta soomaaalilaan, qodobadan kor ku xusana aad si dhab ah uga hawl gasho.
Haddii aad arrimahaa iyo maaraayntooda aad awood saartaan qarankan da’ada yari waxa uu gaadhi doonaa guul lawada mahadiyo. Mudane madaxwayne waxa aaannu marlabaad iyo mar saddexaadba kugu boorinaynaaa in indho qummaan aad ugu eegto waayaha iyo duruufaha ku gadaaman dhallinyaradeena reer soomaaliilaan, si aynu uga hortagno khataraha mandaqada ololaysa ee inagu hareeraysan, sida Soomaaaliya iyo Yemen.
Mudane Madaxwayne haddii arrimahaa aynu kusoo xusnay maarayntooda culayska la saaro waxa uu qarankani ku tallaabsan doonaa guul togan oo lamahadiyo.
Wada shaqayntu waa furaha guusha.
Wabillaahi tawfiiq
Qalinkii Liibaan Maxamed Cismaan(Macallin Liibaaan).
Tell: 0634421330