Itoobiya waxa ka dhacay isbedel xagga hoggaanka ah, Ra’isal wasaaraha cusub-na waxa laga rajaynaya in uu sameeyo isbedelo balaadhan oo dhinacyo badan taaban kara.
Haddaba maaddaama Itoobiya saamayn weyn ku leedahay gobolka Geeska Afrika ra’isal wasaaraha la doortay mudane Abiy Axmed wuxuu safarro ku tagay dhammaan dalalka jaarka ah iyo kuwo kale oo ay dano wadaag yihiin si uu ugu muujiyo niyad sami iyo in uu sii wadi doono ama ka sii xoojin doono xidhiidhkii wanaagsana ee ka dhexeeyay, Kuwii xidhiidhkoodu xumaana in uu hagaajin doono.
Somaliland waxay ka mid tahay waddamada Itoobiya la jaarka ah, islamarkaana la leh xidhiidh saaxiibtinimo oo adag iyo iskaashi dhinacyo badan sida: Amniga, la dagaalanka argagixisada, ganacsiga, waxbarashada, dhismaha jidka rajada (Berbera Corridor), maalgashiga iyo isticmaalka dekedda Berbera; hase ahaatee aqoonsi la’aanta JSL uma saamaxayso in uu Hargeysa ku yimaaddo booqasho rasmi ah si uu inagana inoogu xaqiijiyo sii xoojinta xidhiidhkii sokeeye ee labadeena dal oo gaadhay heer ra’isal wasaarihii hore mudane Hailemariam Desalegn uu Baarlamaanka Itoobiya hortiisa ku goodiyay in dawladdiisu difaaci doonto Somaliland haddii lagu soo duulo, ra’isal wasaaruhu wuxuu ka turjumayay qiimaha jiritaanka Somaliland ugu fadhido amniga dalkiisa iyo isaga oo og Somaliland in ay tahay meeshii lagaga soo duuli jiray ama laga arbushi jiray Itoobiya.
Ra’isal wasaaraha xil kama saarnayn difaaca Somaliland laakiin, wuxuu ku ilaalinayay danaha waddankiisa. Mar kale isaga oo soo dhawaynaya madaxweynaha JSL mudane Biixi 16-01-2018 wuxuu yidhi “Nabad galyada iyo amniga Somaliland waa nabad galyada Itoobiya, sidaas oo kale nabad galyada Itoobiyana waa nabad galyada Somalilnad.”
Siyaasadda Somaliland waxay horseeday in colaadihii iyo cadaawaddii Itoobiya lagu bedelo daris wanaag, nabad iyo in horumarka la iska kaashado. Si kastaba ha ahaatee ra’isal wasaaraha cusub qudhidiisu ma moogana muhiimadda iyo qaybta Somaliland ka qaadato amniga iyo xasilloonida gobolka iyo waliba danaha kale ee inaga dhexeeya laakiin, haddana ra’isal wasaaraha lagama maqal weedho ama ballanqaad rasmi ah (assurance) oo uu ku taageerayo xidhiidhkii labada dal, islamarkaa aamusnaanta ra’isal wasaaraha iyo is fahamka uu la gaadhay madaxweynaha Soomaaliya waxay dad badan oo reer Somaliland ah ku abuurtay shaki iyo in aanu mudnaanta siin xidhiidhkii sokeeye iyo iskaashigii labada dal.
Sidaas daraadeed madaxweynaha JSL waxaan u soo jeedin lahaa in uu Addis Ababa u diro wefti heer sare ah oo si dhab ah u soo ogaada mawqifka xukumadda cusub iyo in ra’isal wasaaraha lagu baraarujiyo in ay Somaliland tahay saaxiib la isku hallayn karo oo aan sinaba loo kala maarmi Karin (Strategic ally) laakiin, saaxiibtinimada Soomaaliya maaha mid la isku halayn karo waana mid barri ka maalin laga maarmi karo ama laga bixi karo (Tactical ally), sababta oo ah waxa la og yahay in madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya qaarkood wali ku doodayaan sheegashada qaybo ka mid ah dhul weynaha Itoobiya iyo Kenya, halka dastuurka Somaliland qodobkiisa 2-aad farqaddiisa 2-aad u tilmaamayo sohdimaha JSL waxaana ka reeban sheegashada dhul ka mid ah dalalka jaarka ah.
Haddiise weftigu saluugo mawqifka xukumadda ra’isal wasaaraha cusub ama ay u arkaan in uu Somaliland ka xaglinayo marka waxa khasab ah in xukumadda Somaliland dib u eegis ku samayso cilaaqaadkii iyo iskaashigii ay la lahayd Itoobiya.
W/Q: Cabdiraxmaan Cadami