WAJAALE NEWS

Xoggo-Culus:Muumin Seed-ka WADDANI oo Kulamo uu Ku Baraxaayo Murashaxnimaddiisa La Qaatay Odeyadda Beeshiisa+ Wer-war Xoogga oo uu Ka Muujinayo in Beelaha Harti Ay Kula Loolamaan Xisbiga Dhexdiisa

Hargeys(Wajaalenews):-Guddoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Axmed Muumin Seed, ayaa maalmahii ugu dambeeyey shirar gooni gooni ah oo uu odeyada, cuqaasha iyo wax-garadka tallo-qabeenka ah ee reer Awdal kula yeelanayey magaalada Boorama ee xarunta gobalkaas.

Ma jiraan illaa hadda warar faah faahsan oo amuurtan la xidhiidha sida oo kalena ka soo baxay dhanka guddoomiye Seed, balse sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa sheegaya in u jeedka kulammadani ay daarnaayeen siddii uu dardar u sii gelin lahaa kaambeynkiisa siyaasaddeed ee uu ugu jiro siddii uu u noqon lahaa murashaxa madaxweyne xigeen ee xisbiga WADDANI oo in muddo ahba uu war war xoogga ka qabay in lagula tartamo.

Md.Axmed Muumin Seed, ayey wararku tilmaamayaan in uu odeyadan oo ka soo jeeda gufada hoose ee biisha uu u soo bandhigay laba qodob oo kala ah. In taageero buuxda oo hiil iyo hoobba leh lagu siiyo laguna barbar istaago siddii geed kama go’an loogga dhiggi lahaa tartankiisa golaha dhaxe ee WADDANI oo la filaayo in sannadka dambe badhtamahiisa la qabto sida oo kalena loogga reebi lahaa dhammaanba xubnaha kale ee iyaguna hanka siyaasaddeed uu ka hayo in ay booskan u tartamaan.

Qodobka kale ee uu u soo bandhigay wax-garadka beeshiisa, ayaa ah in uu iyana werwar xoogga ka qabbo in murashaxiin ka soo jeeda beelaha Harti ee degta goballada barriga Somaliland, ay iyaguna tartan kula galaan booskan kadib markii dhawaanba uu Dr.Xagla-toosiye ka soo mudh yidhi xisbiga Kulmiye oo dirqi iyo tubbaas uu Mr.Saylaci kaga badbaaday in uu waayo murashaxnimadda madaxweyne ku xigeennimo ee xisbiga Kulmiye.

Wararku waxa kale oo ay si xoogga u tilmaamayaan in qodobka ugu war warka badnaa Md.Axmed Muumin Seed ee uu u soo hordhigay odeyadda iyo wax-garadka ka soo jeeda beeshiisa uu ahaa qodobka dambe ee ah in murashaxiin ka soo jeeda beelaha Harti ay kula dhex loolamaan shirweynaha golaha dhaxe ee xisbiga mucaaradka ah WADDANI ee la filaayo in sannadka dambe uu ka qabsooma dalka.

Kulammadan, ayaa ilo-wareedyadu sheegayaan in ay ku soo dhammaadeen is-afgarad iyo sida oo kale siddii loogga hawl-geli lahaa taageeridda murashaxnimo ee guddoomiye Muumin Seed, waxaana arrintan loo saaray xubno guddi hoosaad ah oo dardar-gelin doonta hawlahan la isla lafo-guray, kuwaasi oo la filaayo in ay kullamo kale oo gooni gooni ah la qaadan doonaan odeyadda iyo madax-dhaqammeedka kale ee beelaha Samaroon ee degga goballada galbeedka Somaliland.

Ugu dambeyntii, tallaabadan uu qaaday guddoomiye Muumin Seed, ayaa ah mid muujinaysa sida uu wer-warka xoogga ah uu uga qabbo in jagadda murashax madaxweynenimo ku xigeen ay ka cidhiidhsadaan xubno kale oo ka miisaan culus oo ka soo jeedda beeshiisa iyo sida oo kale beelaha Harti ee degga goballada Bariga Somaliland.

 

Exit mobile version