WAJAALE NEWS

Midkamida Wasiirada Diiddan In Ingiriisku Ka Baxo Midowga Yurub Oo Iscasilay iyo Tirada Wasiirada Qorshahan Kasoo Horjeeda Ee Hore Isku Casilay

London(W,N) – Wasiirkii  wasaaradda cilmiga sayniska iyo Jaamacadaha dalka UK  Sam Gyimah ayaa is casilay, wuxuuna sheegay in isaga oo ay wanaag ka tahay aanu taageeri karin heshiiskan ka bixitaanka Britain ee Midawga Yurub.

iscasilaadda Wasiirka ayaa timid ka dib, markii Theresa May ay ku dhawaaqday in ay  heshay taageerada golaha wasiirrada ee heshiiska, isla-markaana baarlamaanka la horgeyn doono qorshaha ka bixitaanka Midowga Yurub ee UK.

Waa Wasiirkii Toddobaad oo iscasilay intii lagu jiray bishii hore ee dhammaatay, taasoo ku dhigan in wasiirrada ay kasoo horjeedaan qorshaha ka bixitaanka UK.

 

Tiro wasiirro ah ayaase la fahamsan yahay in ay sheegeen hadallo ka dhan ah arrintaas.

 

Hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee dalkaasi Mr Corbeyn ayaa May iyo maamulkeeda ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen dardar gelinta qorshaha BREXIT oo uu sheegay in ay dadka reer Britain u sheegtay in ay ahmiyad gaar ah siin doonto qorshahaasi.

Waxaa la fahansan yahay in May ayna sidii loo baahnaa wax ugu qaban qorshaha  BREXIT waxaana xusid mudan in Raysulwasaarihii kaga horeeyey xafiiska Mr Cameroon in uu xilka u baneeyey sidii loo hana qaadi lahaa ka bixitaanka Britain ay isaga baxayso dalalka midowga Yurub.

 

Exit mobile version