WAJAALE NEWS

Wararkii U Dambeeyay Ee Kulamo Dhexmaray Weftiga Ingiriisku Soo Diray Iyo Dhinacyada Isku Khilaafsan Kulmiye.

Hargeysa(Wajaalenews) – Wefti dawladda Ingiriisku u soo dirtay Somaliland ayaa kulamo la qaatay dhinacyada ku muransan qabsoomidda shirka golaha dhexe ee Kulmiye iyo daneeyeyaasha doorashooyinka Somaliland.

Weftiga Ingiriiska oo ay hogaaminayso haweenayda safiir xigeenka u ah safaaradda Ingiriiska ee Ethiopia, sidoo kalena uu weheliyo masuulka Ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska, ayaa kulamo la yeeshay wasiirkii arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirkii madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, kuwaasi oo ay kala sheekaysteen asbaabaha ay isku casileen iyo xudunta khilaafka shirka Kulmiye.

Ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray kulankaasi balse xoggaha Ramaasnews ka helayso ayaa sheegaya in wasiirada iscasilay u sheegeen weftiga Ingiriiska inay isu casileen madaxweynaha oo ay ku kala aragti duwanaadeen cidda musharax u noqonaysa Kulmiye, sidaasi darteedna ay khilaaf xukumadda Saameeya iska dhawreen.

Sidoo kale garabka musharaxiinta isbahaystay waxay weftiga Ingiriiska u sheegeen inaanay u muuqan rajo ah jawi ay kaga qayb gali karraan shirka golaha dhexe ee Kulmiye, maadaama aanay garabka Muuse Biixi ku arag wax xal u noqda khilaafka. Waxay sheegeen inay go’aansadeen inaanay ka qayb galin shirkaasi.

Dhinaca kale hogaamiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne xigeenka ayaa weftigan kulan kula qaatay madaxtooyada, waxayna ka wada hadleen arrimaha xisbiga. Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu weftiga Ingiriiska u laqimay in si habsami ah uu u socdo qabanqaabada shirka Kulmiye, islamarkaana uu waafaqsan yahay guud ahaan shuruucda xisbiga, kuna qabsoomi doono 10-ka bisha ooh ore loogu asteeyay. Waxa uu intaasi u raaciyay in cabashada musharaxiinta ee ku saabsan liiska golaha dhexe ay dib u eegistiisa gacanta ku hayaan guddi madaxweynuhu u magacaabay hubinta liiska xubnaha golaha dhexe iyo buuxinta jagooyinka bannaanaaday.

Weftiga Ingiriisku soo diray ayaa la sheegay inay iska dhawrayaan khilaafka Kulmiye ee xaasaasiga ah, islamarkaana isku dayayeen inay helaan tabashooyinka labada dhinac, waxaanay sidoo kale arrimaha doorashada kala arrinsadeen xisbiyada iyo komishanka.

Geesta kale guddida madaxweyne Siilaanyo u magacaabay hubinta liiska golaha dhexe ee Kulmiye iyo eegista in hab sharci ah loo buuxiyay jagooyinka bannaanaday ayaa hawsha madaxweynuhu u igmaday wada,balse guddidaasi waxaa qaadacay musharaxiinta isbahaystay oo ku eedeeyay inaanay dhex ka noqon karrin khilaafka labada garab, maadaama ay ku magacaaban yihiin digreeto madaxweyne.

 

Exit mobile version